Agaasimaha Waaxda Shaqda iyo Horumarinta Shaqaalaha oo maanta shir kula qaatay Shaqaalaha Xarunta Dhexe ee Wasaaradda.

agaasime risaaq

Agaasime  waaxda Shaqada iyo  Horumarinta Shaqaalah  Mudane  Cabdirisaaq Macalin Cilmi waxa uu kala hadlay shaqaalaha sadax qodob oo  kala ah

1 dib u habeenta iyo Tayeenta Qeybta Arkiifiyada  waax shaqada lagu sameeyo

2 Ilaalinta Waqtiga Shaqada, Soo gelid iyo Bixid

3  Tayeenta Barnaamijka  ka hor taga ku shaqeysiga Caruurta

Waxaa la isku af gartay in dhammaan qodobadan sida ugu dhaqsiyahay badan loogu dhaqaaqo lana dadajiyo  wax ka qabadkooda

Waxana halkan hoose ka arki kartaa qodobadan qaar ka mid ah oo war bixino laga soo diyaariyay si qodobka  Tayeenta Barnaamijka  ka hor taga ku shaqeysiga Caruurta.

 

 

WASAARADDA SHAQADA IYO ARRIMAHA BULSHADA

WAAXDA SHAQADA IYO HORUMARINTA SHAQAALAHA

Warbixin la xiriirta qaababka  hada  Caruurta yar yarka ah ay u shaqeystaan iyo sidii wax looga qaban lahaa.

 

Hordhac

Tan iyo markii dowladii dhexe ee soomaaliya ay meesha ka baxday waxaa jiray dhibaatoyin soo wajahayay caruurta da’doodu ka hoosaydo 18 oo loo adeegsan jiray habab aan waafaqasanay xeerarka caalamiga ah ee xuquuqda caruurta .

Dagaaladii dalka ka dhacay ayaa waxa ay sababeen xaalada adag oo caruurta ku timid markii ay labada dhan ee dhagaalamaya si aan ka fiirsi lahayn u dagaal galiyeen caruurta taasina wali way taagantahay .
Waxaa sidoo kale jiray in caruurta ku nool kaamamka, loo adeegsado inay  xamaalaan agab aysan awood u lahayn in ay qaadaan oo sigu jira biyo dhaamin, qoryo soo gurid ay ka soo qaadayaan meelo fagfag  iyo waxyaabo kale.

child lobor 1 child lobor 2
Waxaa kale oo jira  in ciyaalka da’doodu ka yartahay 18 loo adeegsado in laga dhigo kirishboy baabuurta( gawaarida) waa wayn ,sida kuwa dhuxusha ka soo daabula meelo dheer oo ah shaqo adag. sidoo kale magaalada muqdishu iyo gobalada dalka, waxaa caan ka noqotay in caasiyaasha ama gawaariga dadka daabula ay ka shaqeeyaan ilmo da’doodu aad u yartahay iyadoo qatarta ciyaalkaasi ku jiraan ay balaarantahay waxayna ka lu shaan ama ku dhagan yihiin albaabka caasiga ama baabuurka ay rarayaan taas oo keeni karta in si fudud ay waxyeelo u soo gaarto iyadoo ay shilalka ugu badan ee magaalada ka dhaca ay ugu badanyihiin gawaarida loo yaqaano caasiga.

child lobor  3

Kiisaska la xirira ciyaalkaas ayaa waxa ay  aad ugu badan yihiin isbitaaladda magaalada muqsdishu iyo kuwa gobalada dalka ku yaalla, waxaana cad in carruurta ay da’doodu yartahay ee ku hawlan shaqadaas ay aad uga badantahay markii loo fiiriyo sanadihii la soo dhaafay, oo ay si xawli ah ku soo badanayaan shaqaalaynta caruurta, gaara ahaan kuwa ka soo jeeda qoysaska danyarta ah oo aan haysan cunto ku filan mana hayaan hawl taa ka fudud ay carruurtooda ugu badalaan .

Waxaa kale oo jirta in carruurta loo shaqaalaysiiyo qaabab farabadan oo ya kid yihiin caseeyaha oo halkii ay waxbarsho ka aadi lahaayeen ay u kalahaan iyagoo sita agabka kabaha lagu tolo iyo kan lagu caseeyo ayna shaqeeyaan muddo aad u dheer ,oo waxa lagu qiyasaa in ay carrutaasi shaqada ka baxaan 6:00 pm iyagoo soo gala 6:00 AM subaxnimo.

child lobor  4 child lobor  5

 

 

Waxaa kale oo jira carruur farabadan iyaguna sidoo kale haya shaqo daran oo ah shaqada garaamistaha carrurtaan waxa ay la shaqayaan haweenka qaadka iibiya, carrurtaas ayaa waxa ay isku diyaariyaan aroorta hore in ay sii hagaajiyaan siina diyaariyaan miiskii iyo jowaankii oo qoyan si loo galiyo qaadka, marka uu baabuurka qaadka wada uu soo muuqdo ayay waxa ay uga hortagaan si xawli ah iyagoo farabadana isna garab ordaaya kadibna waxa ay ka hortagaan gaariga qaadka sida isaga oo xawaare aad udheereeya ku socada waxuuna sababaa in uu maro qaar ka mid ah carruurta inta ka badbaada ayaa shaqada wada ilaah uu qaadku u gadmo haweenta iibisa si uu u xareeyo markale agabka qaadka.
Dhibaatada askaraynta catuurta oo ugu badan ee dalka ka jirta hadda ayaa waxaa sameeya kooxaha naba diidka ah iyagoo ciyaalka si qasab ah ku kaxaysta iyagoo jooga gurigooda ama Iskuulada dabadeedna askareeya.

 

Waxaa kale oo jira ciyaal aad u farabadan oo loo adeegsado shaqooyin aad u adag waxayna ugayastaan waxyeelo xaga muuqaalka ah iyo mid maskaxeed.

Qanuunka calamiga ah ee u yaala shaqalaynta ayaa sheegaya in aan la shaqaalaynkarin ciyaalka da’doodu ka hoosayso 18 sano ( UN convention on rights of  child report -1992).

Sidoo kale waxa dastuurku qorayaa in aan la shaqaalayn Karin carruurta da’doodu yartahay

Sidoo kale waxaa diidan xeerka shaqalaha aduunka (International organization labor ).

Xog aruurintaan oo dhacday taarikhdu markay ahayd 03/07/2014-07/07/2014 waxa ay ahayd mid aad looga baarandagay habsami u socodkeeda iyo arrurinteeda.

U kuurgalid ay sameesay wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha oo adeegsanaysa shaqaale aqoon sare leh oo soo baary una kurgalay xaaladda carruta Soomaaliyeed gaar ahaan  kuwa ku nool magaalada muqdishu, ayaa waxa ay soo aruuriyen xog la xiriirta qaababka xunxun ee loo la dhaqmo carruurta da’doodu ka  yartahay 18 sano iyo noocyada dhibaato ee haysta carruurta.

Warbixintaan waxaa laga soo aruuriyay Gobalka banaadir dagmooyinkiisa kala duwan waana dhacdooyin sax ah.

Waxaana cad qalabka aan adeegsanay marka aan xogtaan aruurinaynay uu ahaa  kii ugu haboonaa xiligaan oo ay lagama maarmaan tahay in aad marka aad sheegayso dhacdo aad hayso sawiro la xiriira dhacadadaas.

 

 

Qaymaynta carrurta la shaqaalaysiiyo  iyadoo da’doodu ka yartahay 18

no Dhacdada Meelaha ay ka dhacaan Qoysaska ugu badan Celcnelisahan
1 Askaraynta carruurta Iskuulada, gooba ciidanka Qoysaska danyarta iyo waliba ku wax haysta 6%
2 Kirishboy (Aytante) Bosteejooyinka iyo waliba garashyada lagu xareeyo gaadiidka Qoyasaska danyarta ahAgoonta . 8%
3 Xamaali , biyo dhaamin Kaamamka, xiryaha qaxootiga Qoysaska danyarta ah,Dadka aan waxba baran 7%
4 Caseeye Wadooyinka, kaamamka, hoteladda Iyo isgoosyada Qoysaska danyarta ah 9%
5 Garaamayste Meelaha qaatak  lagu gado Qoysaska danyarta ah 5%
6 Adeegto Guriyaha, maqaayadaha Qoysaska danyarta ah 4%
  Total 40%

Gabangabo

Ugu danbayntii, waxaa aad u badan qaababka xunxun oo loola dhaqmo carrurta somaliyeed oo  isugu jira Askarayn, xamaalayn, waqti dheer ku shaqayn iyo qaabab kale aad u foolxun.

Waxaan talo ku bixinayaa in wasaaraddu samayso wacyigalin balaaran oo ay ka samayso dhamaan 17 dagmo ee gobalka banaadir ka koobanyahay iyadoo adeegsanaysa dad aqoon u leh arritaas, iyadoo laga fulinayo wacyigalintaas, guryaha, iskuulada, meelaha dadku isgu yimaado, suuqyada,goobaha ganacsiga Kaamamka iyo xarumaha shaqaalaynta dawladda.

Allaa mahad leh

Warbixintaan waxaa diyaariyay

Marwo : Bisharo Shiikh Cali Xasan ( FIIN)