Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo Muqdisho ku qabatay wada-tashi ku aaddan isku xirka fulinta siyaasada ilaalinta Bulshada

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Muqdisho ku soo gabagabeeysay shir wadatashi ah oo ku aaddan istraatiijiyada isku xirka fulinta siyaasada ilaalinta Bulshada.

Kullanka ayaa waxaa daahfuray Agaasimaha guud ee wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Mudane Maxamed Cadde Mukhtar,iyadoo ay ka qeybgaleen wasaaradaha arrimaha bulshada xiriirka la leh ee xukuumadda Federaalka iyo dowlad-gobolleedyada.

“Siyaasaddan waxay qeyb ka tahay wadatashadii labadii sanno ee u dambeysay socday, waxaana ujeeddadu tahay istraatiijiyada isku xirka fulinta siyaasada ilaalinta Bulshada inay noqoto mid guuleysata oo dhammaan bulshada Soomaaliyeed ay ka faa’ideystaan.” ayuu yiri agaasimaha guud.

Waxaa kullanka lagu soo bandhigay soo jeedinno la xiriira istraatiijiyada isku xirka fulinta siyaasada ilaalinta Bulshada,iyadoo dhammaan qodobbada shir uu quseeyay ay si wadajir ah uga dooddeen dhinacyadii ka qeybgalay.

Gabagabadii, shirka wadatashiga ah oo hal maalin socday waxaa soo xirtay madaxa mashruuca ilaalinta Bulshada ee wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Fardowsa Cabdullaahi oo ammaantay dadaallada wadajirka ah ee ku aaddan istraatiijiyada isku xirka fulinta siyaasada ilaalinta Bulshada.

Waxaa sidoo kale ay u mahadceliyay hay’adda Horumarinta Iskaashiga Talyaaniga oo deeq lacageed oo laga helay lagu fulinayo wadatashiyadan ,iyadoo taageero laga helayo hay’adda UNICEF.