Wasiirka  Shaqada iyo Arrimaha Bulshada  JFS  oo ka qeyb galay shirka Madasha Wasaaradaha Shaqada ee Bariga iyo Geeska Afrika

Wasiirka  Wasaaradda  Shaqada iyo Arrimaha Bulshda  JFS . Xildhibaan  Sadiq  Xirsi  Warfa ayaa ka qeyb galay shirka golaha Wasiirrada ee Gobolka oo ku saabsan iswaafajinta siyaasadaha socdaalka shaqaalaha ee Bariga & Geeska Afrika, Shirkan ayaa ka soconaya Magaaladda Nairobi ee Dalka Kenya muddo laba  maalmood ah 20ka iyo 21ka Janaayo 2020.

Shirka waxaa soo qaban qaabiyay Wasaaradda Shaqada & Ilaalinta Bulshada Dalka Kenya iyadoo lala kaashanayo Ururka Caalamiga ee Socdaalka (IOM) iyo Hay’adda Socdaalka ee Qaramada Midoobay. waxaana lagu casuumay mas’uuliyiinta Wasaaradaha Shaqada iyo Daryeelka Bulshada ee wadamada Bariga iyo Geeska Afrika, sida Burundi, Djibouti, Ethiopia, Eritrea, Kenya, Rwanda, Somalia, South Sudan, Sudan, Tanzania iyo Uganda.

Madasha waxay fursad ku hadlaan  siisay Madaxda Wasaaradaha iyo wufuuddooda si loo xoojiyo iskaashiga gobolka ee ku aadan qodobada ku saabsan maaraynta haajirida shaqaalaha oo ay ka mid yihiin: Baahida loo qabo in kor loo qaado dhaqdhaqaaqa shaqaalaha  iyo nidaamka badbaadada wax looga qaban karo qulqulka socdaalka aan joogtada aheyn.

Waxaana diirada lagu saaray qodobo dhowr ah sida:

  1. Ka ganacsiga dadka iyo tahriibinta shaqaalaha muhaajiriinta
  2. Xadgudubyada xuquuqda shaqaalaha soogalootiga ah
  3. Nidaamka Macluumaadka Suuqa Shaqada ee Socdaalka
  4. Ka Qaybgalka Qurbajoogta
  5. Qabanqaabinta heshiiska Shaqada ee Labada Dhinac.

Madasha ayaa si gaar ah loo filayaa in ay xubnahan ka wada xaajoodaan arrimaha kala ah: Istaraatiijiyadda gobolka ee gorgortanka Heshiisyada Shaqo ee Labada Dhinac iyo in ay awood u yeelato soo bandhigida weji mideysan oo ay  ka faa’iideysanayaan  habraaca ilaalinta shaqaalaha soogalootiga ah.

 

Sidoo kale waxaa ka mid ahaa, Wadaag xogta iyo Macluumaadka ku saabsan isbeddelada; ahmiyadaha; baahiyaha, iyo danaha Dawladaha xubinta ka ah si loo kobciyo dhaqdhaqaaqa shaqaalaha ee nabadgelyada iyo kala-dambaynta leh ee ka dhex jira Afrika.

kor u qaadida aqoonta iyo xirfadaha daneeyayaasha dawlada ee qaababka loo dhigo farsamooyin wax ku ool ah (BLAs, MoUs; heshiisyada, kuwa kale) si loogu diyaariyo shaqaalaha soogalootiga loona hubiyo waxyaabaha bini’aadamka aasaasiga u ah.

ugu dambeyntii  Wasiirka  Wasaaradda  Shaqada iyo Arrimaha Bulshda  JFS . Xildhibaan  Sadiq  Xirsi  Warfa ayaa ka aqriyay Qudbad dheer oo ka turjumeysa Arrimaha shaqada  iyo Shaqaalaha Soomaaliyeed