Wasaaradda shaqada iyo Arrimaha Bulshada Iyo Rugta Ganacsiga oo si Wadajir ah uga hadlay Shaqo siinta dhalinyarada Soomaaliyeed

 Wasaaradda Shaqadda iyo Shaqaalaha iyo Arrimaha Bulshadda ee Xukuumadda Soomaaliya waxaa ay Maanta soo bandhigtay Barnaamij Shaqo Siinta loogu sameynayo Dhalinyaradda Soomaaliyeed kaas oo laga fulin doono inta badan Maamul Goboleedyadda iyo sidoo kale Magaaladda Muqdisho.

Waxaa ka soo qeyb galay kulankii Bandhiga Masuuliyiinta Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha iyo Xubno ka socday Masuuliyiinta Rugta Ganacsiga iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Waxaa Mashruucan lagu bilaabi doonaa oo Shaqo abuur loo sameynaa 360 Dhalinyarro ah oo Muqdisho ku nool kuwaas oo horay looga caawiyey in ay bartaan Farsamadda gacanta Salaad Xuseen Cabdulle waa Agaasimaha Qorsheynta ee Wasaaradda Shaqadda iyo Shaqaalaha waxaa uu sharaxayaan faa’iidoonta Mashruucan ku jira.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqadda iyo Shaqaalaha Maxamed Cadde Mukhtaar ayaa sheegay in Wasaaraddu Diyaar u tahay in ay ka shaqeys isku xirka Dhalinyaradda Shaqo doonka ah iyo sidoo kale loo shaqeeyaasha.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Shaqadda iyo Shaqaalaha iyo Arrimaha Bulshadda sidoo kale ah kusimaha Wasiirka C/casiis Salaax Armaan ayaa tilmaamay inay soo saartay Wasaaraddu sharci sheegaya in qof soomaali ah Shaqo uu qaban karo Dalka Dibadiisa looga keenin Qof Ajnabi ah Masuuliyiinta Rugta Ganacsiga oo iyana hadlay ayaa sheegay in Shirkadaha Ganacsiga Soomaaliyeed ay ka shaqeynayaan sidii loo shaqaaleyn siinlahaa Dhalinyaradda Soomaaliyeed loona baahan yahay in laga gudbo habka qabiilka in lagu qaato Dadka Sharkaduhu qaadanayaan.

Pr Molsa shaqo siin 0 Pr Molsa shaqo siin 1 Pr Molsa shaqo siin 2 Pr Molsa shaqo siin 3 Pr Molsa shaqo siin 4 Pr Molsa shaqo siin 5 Pr Molsa shaqo siin 6 Pr Molsa shaqo siin 7 Pr Molsa shaqo siin 8 Pr Molsa shaqo siin 9 Pr Molsa shaqo siin 10 Pr Molsa shaqo siin 11