Shirka todobaadlaha wasaaradda Shaqada oo looga hadlay sida shaqaalaha ay u baran lahaayeen waajibaadka shaqo ee wasaaradda u degsan .

kulankaan ayaa ahaa aqoon iswaydaarsi lagu baranaayay waajibaadka shaqo ee wasaarada shaqada iyo arimaha bulshada u hayso qaranka,waxaana ka mid ahaa casharadii lagu baranayey taariikhdii hore ee wasaarada shaqada hiigsiga ay leedahay ,hadafka ka go’an in ay fuliso wasaarada mabaadida iyo shuruucda u yaala wasaaradda .

 Furitaanka shirka todobaad laha ayaa waxaa ka hadlay  Ag. Saciid Aadan Mire “waxaa loogu baahan yahay shaqaale kasto in uu waajibaadkiis guto uuna ku sugnaado xafiiskiisa si ay u yeelato shaqda kaladambayn”.

Dhanka kale waxaa ka hadlay shirkaan Ag. Tababarada Ismaaciil Macalin Cabdulaahi wuxuuna yiri “waxaan idin faahfaahinayaa tababaradii hore ee shaqaalaha qaateen ay waxbadan ka faa’iideen, tababarada soo socda waxaan ku bixindoonaa soo xaadirada shaqada sidii ay u so kala xaadir badan yihiin ayaan uga kala xulan doona tababarada”

Agaasimaha waaxda qorsheyn Salad Xuseen Cabdulle oo chasrada bixinaayey ayaa ku booriyey shaqaalaha in ay u hogaansamaan awaamiirta madaxda wasaarada  waajibaadka saran ay gutaan wuxuuna yiri “shaqada waxay ku hirgali karta in la ilaaliyo kala saraynta shaqada oo aan mideeno muraqeena iyo maskaxdeena waxaan loobaahan yahay in shaqaalo kasta uu ku dadaalo sida uu ugudan lahaa waajibkiisa shaqo”

Wasaarada Shaqada iyo Arimaha Bulshada waxay dadaal ugu jirta sidii ay shaqaalaha ugu baarujin leheed in ay gutaan waajibaadka saran shaqaale kaste ,ayadoo tixraacaysa hiigsiga ay leedahay kuna dabaqayso shuruucda u yaala Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

Pr Molsa shirka shaqaalaha 7

Pr Molsa shirka shaqaalaha 0 Pr Molsa shirka shaqaalaha 1 Pr Molsa shirka shaqaalaha 2 Pr Molsa shirka shaqaalaha 3 Pr Molsa shirka shaqaalaha 4 Pr Molsa shirka shaqaalaha 5 Pr Molsa shirka shaqaalaha 6  Pr Molsa shirka shaqaalaha 8 Pr Molsa shirka shaqaalaha 9