Wasaaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshada oo Digniin u Dirtay shaqaalaha rayidka Dowlada ee imaan waayay goobahooda shaqo.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Mudane Cabdi Axmed Qaasim ayaa shir guddoominayay kulan uu la qaatay Agaasimaha Guud Cabdullahi Maxamed Cali iyo Agaasimayaasha Waaxyaha ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, waxaana looga hadlay hadal dhawaan ka soo baxay Wasaaradda Shaqada oo ujeedadiisu ahayd soo celinta Shaqaalaha. isla markaana digniin ku socota qaar ka mid ah shaqaalaha rayidka dowladda loogu diray taas oo ku aadan soo xaadirida goobahooda shaqada.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Mudane Cabdi Axmed Qaasim ayaa u sheegay Agaasimayaasha in ay la xisaabtamayaan Shaqaalaha Waaxyaha ka howlgala,islamarkaana ay soo sheegaan shaqaalaha maqan maadaama Agaasime Waaxeedyada ay mas’uul ka yihiin shaqaalaha ku qoran waaxyahood.

Wasiiru dowlaha Wasaaradda shaqada oo ka hadlay nooca digniinta ayaa sheegay in laga joojin doono mushaarka shaqaalaha aan gudaneyn waajibaadka saaran, soona xaadireny goobta shaqada waxuu yiri Wasiiru dowlaha “Agaasimayaasha waaxyaha masuulka ka ah shaqaalaha HR waa in ay u hogaansamaan sharciga L11 ee shaqaalaha rayidka ah oo ay u akhriyaan xeerka anshaxa shaqada( Labor Code of Conduct) oo lagu qasbo in ay soo xaadiraan goobahooda shaqo.”

Kulanka ayaa kusoo dhamaaday jawi is afgarad ah. Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Mudane Cabdi Axmed Qaasim ayaa kula dar daarmay dhamaan shaqaalaha rayidka ah in ay iska xaadiriyaan goobahooda shaqo.