Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo la kulmay dhiggiisa dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya

 

Wasiir Cabdiwahaab oo la kulmay dhiggiisa Boqortooyadda Sacuudiga

Talaado, December, 21, 2021 – Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya , Mudane Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif oo booqasho rasmi ah ku jooga magaalada Riyadh ayaa galinkii dambe ee maanta kulan gaar ah la qaatay dhiggiisa Boqortooyadda Sacuudiga , Eng. Axmed Sulaymaan Alrajhi.

 

Kulanka labada wasiir ayaa looga hadlay xoojinta iskaashiga , horumarinta Bulshada , iyadoo labada dhinac ay gaareen qorshaha lagu billaabayo is-afgarad ay ku wada shaqeeyaan labada wasaaradood,iyadoo oo u goob-joog ka ahaa Safiirka Soomaaliya u fadhiya Dalka Boqortooyadda Sacuudiga , Danjire Saalim Macow Xaaji.

 

“ Kulanka wuxuu ku aadday xilli muhiim ah , waxaan warbixin guud ka siiyay xaaladda Soomaaliya , dalka oo la tacaalaya ka hortagga COVID-19 , inay xilligan ka taagantahay abaar saamaysay malaayiin reer guura u badan, Horumarinta Bulshada , shaqaalaha iyo is afgarad bilow u noqonaya wada shaqayn buuxda oo labada wasaaradood dhex marta.” ayuu yiri Wasiir Cabdiwahaab oo kulanka ka warbixinayay.

 

Wasiir Cabdiwahaab, ayaa sidoo kale martiqaad rasmi ah ka helay dhiggiisa Sacuudiga , si lagu gaaro dhaqangalinta is afgaradka iyo iskaashiga labada wasaaradood ee ay maanta gaareen.

 

Wasiirka Horumarinta Maamulka, Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Boqortooyadda Sacuudiga , Eng. Axmed Sulaymaan Alrajhi ayaa uga mahadceliyay wasiirka, socdaalkiisa Sacuudiga, wuxuu sidoo kale tilmaamay inay ka go’antahay xoojinta wada shaqeynta labada wasaaradood. Wuxuu sidoo kale sheegay inuu ka xunyahay xaaladda ay wajahayaan qoysaska Soomaaliyeed ee saamaysay abaarta, isagoo markaa sheegay inay Dawladda Sacuudiga door muuqda oo taageerro gaysan doonto.

Kulanka ayaa noqonaya midkii u horreeyay muddo soddon sanno ah oo wasaaradaha Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya iyo Sacuudiga ay ku gaareen is-afgarad ay ku wadashaqaynayaa