wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Soomaaliya oo soo gabagabeeyay safarkii uu ku joogay Sacuudiga.

 

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Soomaaliya , Mudane Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif ayaa soo gabagabeeyay safar shaqo oo uu ku joogay dalka Boqortooyadda Sacuudiga.
Ujeeddada safarka ayaa la xiriiray qeybtagalka shirka 41aad ee Wasiirrada shaqada iyo arrimaha bulshada, Jaamacadda Carabta, oo ay martigalisay dowladda Sacuudiga. Muddada uu socday shirka ayaa looga hadlay saamaynta COVID-19 iyo xaaladaha deg degga ah ee ay wajahayaan waddamada Jaamacadda Carabta .

“Shirka inta uu socday waxaan Jaamacadda Carabta iyo wasiirrada ka qaybgalay la wadaagnay dadaallada Soomaaliya ee ka hortagga COVID-19, balse marxaladda ugu adag ee aan wajahayno waxaan u sheegay in ay adag tahay xaaladda abaarta ee ka jirta Soomaaliya.” ayuu yiri wasiir Cabdiwahaab.

“Jaamacadda Carabta Wasiirrada aan la kulmay iyo Dawladda Sacuudiga ee martigalisay shirka , waxay noo caddeeyay inay gacan ka gaysan doonaan saamaynta abaarta iyo dadaallada lagu horumarinayo bulshada.”ayuu ku daray wasiir Cabdiwahaab.

Wasiirka oo u mahadceliyay dhiggiisa Sacuudiga ee martigaliyay shirka ayaa sidoo kale ku boggaadiyay doorka uu ka qaatay iskaashiga waddamada Jaamacadda Carabta. Wuxuu ku daray inuu sidoo kale martiqaad ka helay dhiggiisa Sacuudiga iyo Wasiirro uu kulan dooceed la qaatay.
“Shirkan waxa uu ku soo aaday xilli muhiim ah, sidoo kale waxa kale oo horgeynayay Wasiirrada iyo Jaamacadda Carabta , dadaallada aan ugu jirno shaqo abuurka iyo horumarinta bulshada , waxay noo xaqiijiyeen inay door muuqda ka qaadan doonaan, iyagoo martiqaad rasmi ah ii fidiyay si iskaashi taageerro iyo khibrad wadaag ah loo gaaro.” ayuu ugu dambeyntii yiri Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya.
—Dhammaad—