Wasaaradda Shaqada & Arrimaha Bulshada oo Gudbisay wax qobadka  6 dii Bilood ee lasoo dhaafay

Mas’uuliyiinta Wasaaraadda Shaqada arrimaha Bulshada  oo soo  diyaariyay  qaabka  gudbinta wax qobadka  6 dii Bilood ee lasoo dhaafay ayaa Xarunta Madaxtooyada kula kulmeen Gudiga Golaha Wasiiraddu ay u Xil saareen la Xisaabtanka 25-ka  Wasaaradood.

 

Kulanka ayaa ku bilaawday isbarasho labada dhica mas’uuliyiinta guddiga iyo Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo uu Hogaaminayay Wasiirka Wasaaradda waxaana la soo bandhiga  warbixin iyo Docments wax Qabadka Wasaaradda ee 6 dii Bilood ee lasoo dhaafay ka bilow  January – June 2014 waxaa dhinaca Gudiga la Xisaabtanka qorsho howleedka  Hogaaminayay  Marwo,Fahmo Axmed Nuur  oo ah Wasiirku Xigeenka Wasaaradda Maaliyadda.

 

Su’ aalo la waydiiyay Wasaaradda Shaqada waxaa si wanaagsan uga  Jawaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda oo  kaashanaya Agaasimayaasha Waaxyaha oo dhinac fadhiyay, su’aalaha qaar waxaa ka mid ahaa

1. Dib u habeenta shaqaalaha Dowlada

2.  Balaarinta Suuqa Shaqada iyada oo la adegsanayo habka wada

shaqeynta dowlada iyo shirkada Gaarka loo leeyahay.

3. Dib  u dhiska  Xarunta Dhexe ee  Wasaaradda  Shaqada iyo Arrimaha

Bulshada

4. Ururinta Xogta dadka Shaqo doonka ah iyo shaqooyinta Suuqa yaala

si laysu waafajiyo tirada shaqo doonka ah iyo tirada shaqooyinka

5. Kor u qaadista awooda wax qabad ee hay’addaha Dowlada iyo

Shaqaalaha Dowlada.

Kulanka gabagabadiisa waxaa ka hadlay Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Mudane Eng. Luqman Ismaciil Maxamed iyo Wasiir ku xigeenka Xildhibaan Cabdalle Xaaji Cali oo aad ugu farxay  soo bandhigida wax qobadka  6 dii Bilood ee lasoo dhaafay

planing 2planing 1 planing 3

Director of Public Relation & Communication (PRC)
Ministry of Labor and Social affairs