Agaasimaha Waaxda Tababarada Shaqaalaha oo soo bandhigay Waajibaadka Shaqo iyo Shaxda Qorshe Howleedka Waaxda Tababarada.

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha BulshadaWaajibaadka Shaqo ee Waaxda Tababarada Shaqaalaha

  (Job description)

 

1-     Ogaanshaha  baahida Tababar ee ay qabaan Shaqaalaha Dowladda ilaa heerka ay gaarsiisan-tahay.

2-    Tababar u raadinta Shaqaalaha, Dalka gudihiida iyo Dibaddiisa intaba:

B.Tababaridda tababarayaasha shaqaalaha dowladda (TOT).

3-    Tababarista Shaqaalaha heerar-kooda kala duwan, iyadoo la eegayo   Sida ay isugu bahda yihiin iyo Darajooyin- kooda.

4-    Tababaridda naafada xagga xirfadaha si ay ugu shaqeeystaan aqoontooda xirfadeed.

5-    Tababarista dhalinyarada doonaya in ay soo galaan shaqooyinka dowladda iyo shaqooyinka gaarka loo leeyahay  iyadoo loo

tababbarayo adeegsiga aaladaha casriga ah.

6-    Dhowrista Caddaaladda Shaqaalaha ee xagga Tababarada.

7-    Ka qeyb galka Tababarada Caalamiga ah ee Wadamada Dibadda, Si khibrado dheeri ah looga soo faaiideeysto.

8-    Xafidaadda, Keydinta iyo lasocodka Ducomentiyada Tababarada lagu bixiyay.

9-    Lasocoshada  Baahida Tababar ee muhiimka u ah Shaqaalaha dowladda gaar ahaan maamulka (Management).

10-  Raadinta iyo Dhisidda Xarun Tababar Shaqaale iyo qalabka kala duwan ee lagu tababarayo xirfadaha kala duwan ee

qeybaha shaqaalaha dowladda.

11-   Gaarsiinta in ay istaba baraan Shaqaalaha dhexdooda, kadib markii ay qaataan Tabararada la siinayo.

12-  U raadinta shaaqaalaha  fursado Waxbarasho ee Jaamacadaha dibadda iyo Kuwa  gudaha.

13-  La xiriirka Hey’adaha Dowladda ee Tababarada lagu soo diro, Sida Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Wasaaradda Qorsheynta           Qaranka.

14-   Warbixin siinta Agaasimaha guud Todobaad kasta (Weekly Reports).

 

 ismaciil photo

Shaxda Qorsha Howleedka Waaxda Tababarada, 6da bilood ee soo socota June-Dec 2014.

 

Qorshe howleedka                                                faah-faahin

1-Xog u rurin guud 
  • Dhamman Shaqaalaha Dowladda oo ka kooban 25 Wasaaradood, Xafiiska Ra’sul Wasaaraha iyo Madaxtooyada.
  • Waxaa loo kala saarayaa sida ay Wasaaraduhu  isugu bahda yihiin.
  • Haddana waxaa loo kala saarayaa garaadada heerarka kala duwan ee xilalka tusaale, Agaasimayaal guud, Maareeyayaal, Agaasimayaal waaxeed, Madax qeybeedyo, Xoghayno, Arkifiya I W M
  • Waxaa kale oo xog laga soo ururinayaa shaqaalaha gaarka  loo leeyahay {private sectors }iyo tirakoob intaba, si loo ogaado xaaladdooda nololeed iyo tababar maadaama wasaaraddaan ay u xil saran tahay, waxaana lagama maarmaan ah in la ilaaliyo Xuquuq dooda, Noloshooda, iyo tababar- siintooda intaba

 

2-Qorsheynta Tababarada Shaqaalaha
  • waxaa Qorshaha inoogu jira in tababarada gudaha ay bixiyaan khubaro Soomaaliyeed oo kusugan dalka gudihiisa, kuwaas oo qaarkood Macallimiin kayihiin jaamacadaha dalka.

Waaxda tababarada Shaqaalaha  waxa ay qorsheey-neysaa in  loo helo tababarada aan soo  sheegnay in ay sameeyso xiriiro dibadda ah iyo safaro ay ku tegi doonto wadamo muhiim ah, si loo xaqiijiyo waxqabadka iyo baahida tababarro ee heysata shaqaala weynaha Soomaaliyeed.

  • Waxaa qorshahaan kamid ah in website Wasaaraddu leedahay  la geliyo macluumaadka laxiriira tababarada iyo sidoo kale , tirada shaqaalaha, heerarkooda darajo, xilalka ay hayaan, tababarada ay qaateen , tirada  shaqaalaha qaatay, goobaha ay ku qaateen , noocyada  tababaro oo ay qaaten iyadoo laga ambaqaadayo  qorshaha guud ee Wasaaradda.

 

 

 

  • Sidoo kale waxaa  lagu muujinayaa, lagala soconayaa safarada Wasaaradda ay u baxday ee xagga tababarada , wadamada ay ku tageen, ahmiyadda wasaaradda ay u lahaayeen tababaradaasi, iyo tusaale cad oo muujinaya in waxqabadka waaxda uu  yahay mid meel fiican maraya ayadoo sawirada tababaradaas oo dhan lagelinayo websiteka.
  • Ugu danbeeystii waxaan qorsheey-neynaa in la helo mustaqbalka dhow kaadiriin ku fillan shaqada wasaaradaha dowladda, horumarna ka sameeyn kara meelaha hadda gaabisku ka jiro, si aan ula jaanqaadno shaqaala weynaha adduunka.

 

 

3-dhisida  xarun tababar shaqaale
  • Waxaan dhisi doonaa mid kamid ah  xaruumihii Wasaaraddu ay laheyd si aan ugu Tababarno Shaqaalaha Dowladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay annaga oo la kaashaneyna hey’adaha gaarka loo leeyahay.

 

 

4- Tirada  Tababbaro  Shaqaale ee 6da Bilood ee soo socota
  • 3-4 Siminaar oo lagu Tababarayo Shaqaalaha Wasaaraddaha.
  • 5-6 Siminaar  Dhalinyaro  Soomaaliyeed ayaan qabaneeynaa, Si loo  kobciyo Xirafadahooda Shaqo loona gaarsiiyo isku filnaansho Shaqo.
5-Ka qeybgal Tababarada muhiimka ah.
  • Waaxda Tababarka waxey diyaarineysaa ka qeybgalidda Tababaro Madaxda Wasaaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshada ee dibada iyo gudaha.

 

 

 

Ismaaciil M. Cabdullahi  

Agaasimaha Waaxda Tababarada Shaqaalaha

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada