Shir ay yeesheen Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada DR.Aweys Sh. Haddad iyo wafdi kasocoday USAID.

      Waxa looga hadlayay barnaamijyo ay hore isula qabteen USAID Kuna ay matalayeen CARE International ,  MERCY CROPS iyo wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada 2013 kii kaasi oo lagu tababaray 1000 dhalinyaro ah oo la barayay farsamooyinka gacanta ee kala duwan.

Waxaana lays weydiiyay faiidada uu usoo kordhiyay  shaqo abuurka dhalinyaradda dhexdeeda.

Wadahadaladaas waxa kasoo baxay in sida ugu haboon ee loo hurumarin karo,  loona joogtaynkaro barnaamijyada tababarka ee abuurka shaqada dhalinyarada.

Waxana laysku afgartay in weftigaas oo uu horkacayay  Mr. ROBERT GROSSMAN-VERMAAS in uu kula noqdo USAID ka in la abuuro xarumo qaabilsan tababarka  iyo shaqo abuurka gobolada iyo degmooyinka oo dhan.

Xurumahaasi waxay yeelan doonaan

  1. Hallka kullanka oo laga heli karo cabitaano, Table-tennis, Snooker table
  2. Fasalo wax barasho
  3. Library
  4. Study room

Xarumhaas waxa kale oo ay qaban doonaan in dhalin yarada shaqo doonka ahi ay ka helaan

  1. Macluumaad iyo wacyi galin (information/ orientation)
  2. Talooyin (Advice)
  3. Tababar farsamada gacanta iyo shaqo-abuur ( vocational training job creation)
  4.  Taageero (Advocacy)

Waxaana layku afgartay in xarumahaas ay noqdaan kuwo is bixin kara ( self-sustainable) kadib muddo sanad ah oo ay USAID ku maal-galiyaan

Hadad-go-kenya-1