Barnaamijka kor u Qaadista Tayada Shaqaalaha Dowlada (Capacity Development Injection)

 

Shir ay wada yeesheen Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Dr. Aweis Sh. Haddad, Agaasimaha waaxda xiriirka guud Mudane A/rashiid A/llahi Xaydar iyo wefdi kasocday Word Bank/ UNDP oo ay horkacayeen Bill Pitkin iyo Clive Parry.

 

Shirkaas oo ahaa kii labaad wuxuu ka dhacay Hotel Aaran wadada Airportka Muqdisho.

Waxaana looga hadlayay arimo ku saabsan (Capacity Development Injection) sidii loogu samayn lahaa marka hore lix wasaaraddood, kadibna loogu baahin lahaa wasaaraddaha kale ee xukuumada federaalka somaliya.

Dhinaca Word Bank/ UNDP  khubaradii kasocotay waxay codsadeen macluumaad ka kooban saddex qodob oo kala ah.

A. Shaqadda ay Wasaaradu u xilsaarantahay

B. Shaxda Wasaaradda

C. Shaqooyinka Waaxyaha ee Wasaaradda.

Waxa kale oo ay balanqaadeen inay so diraan shax lagu buuxbuuxinaayo macluumadka shaqaalaha ka shaqeeya Wasaaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshada.

Dhinaca kale waxa Agaasimaha Guud  oo ku hadlayay Magaca Wasiirka uu usoo jeediyay waftiga qodobada muhiimka u ah Wasaaradda (Priorities).

  1. Dib udhiska iyo qalabaynta shan qol oo kutaal xarunta dhexe ee Wasaaradda, halkaasi oo xudun u noqon doonta hawlaha (Capacity Development Injection ) .
  2. In Wasaaradda loo keeno khubaro aasaasta (Capacity Development Injection Unit)
  3. Inay naga caawiyaan sidii losoo saari lahaa Siyaasada Qaranka ee Shaqada.
  4. In laba khabiir loo keeno Waaxda Qorshaynta ee Wasaaradda.
  5. In laba la taliyeoo kala qaabilsan Shaqada iyo Shaqaalaha, iyo Arimaha Bulshada loo keeno Agaasimaha Guud ee Wasaaradda.

 Wold Bank and DG 3 Wold Bank and DG 1 Wold Bank and DG 2