Wafdi uu Hogaaminayay Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshada oo safar shaqo u joogay Puntland ayaa dib ugu soo laabtay Muqdisho+Sawiro

Waxaa Maanta Magaalada Muqdisho dib ugu soo laabtay wafdi uu Hogaaminaayay Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshada Xildhibaan Saalax Axmed Jaamac oo    howlo shaqo ku saabsaneyd Shirka dib u Eegista iyo ka wadatashiga Sharciga  Shaqaalaha  Rayidka ee L11, oo lagu qabanayay magaalada Garowe ee Caasimada Puntland.

Maalmaha ay Garowe ku sugnaayeen Wafdiga uu Hogaaminayay Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshada waxey shirar la yeesheen masuuliyiin sare sida Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland Eng Cabdixakiin Cabdulahi Xaaji Cumar Camey oo casho sharaf sagootin ah xalay u sameeyay Wafdiga.

Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland ahna ku simaha Maxweynaha Puntland ayaa sheegay in wafuudani la yimaadeen arrin ummadda Soomaaliyeed ka dhaxeysa oo muhiim u ah  in laga wada tashado. Wuxuuna yiri “Waxaan qirayaa Xeerkan aad soo wadaan in uu yahay  mid miro dhal u ah  Shaqaalaha  Rayidka  ee dawlada Soomaaliyeed, ayadoo ay goobjoogna ka ahaayeen dhammaan Dawlad Goboleedyada, waxaana rajeynayaa in uu ansax ka noqon doono golaha wasiirada iyo Baarlamaanka Federaalka Soomaaliyeed” sidaana waxaa yiri Eng Cabdixakiin Cabdulahi Xaaji Cumar Camey Madaxweyne ku xigeenka.

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshada XFS Xildhibaan Saalax Axmed Jaamac ayaa ka mahad celiyay casho sharafka iyo dardaaranka  Kusimaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne kuxigeenka Puntland.

Dhinaca kale : Wafdi uu Hogaaminayay Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshada ee safar shaqo ku joogay Puntland inta ay kasoo ambabixin  Garowe waxey kormeer ku tageen Wasaaradda Shaqada iyo shaqaalaha, dhalinyadara iyo Ciyaaraha ee Puntland, waxey kulan isbarasho ah la qaateen dhammaan masuuliyiinta iyo shaqaalaha  wasaaradaasi.

Wasiirka wasaaradda Shaqada,  Shaqaalaha Dhalinyarada iyo Ciyaaraha puntland Cabdiraxmaan Sheekh Axmed  Cabdulaahi  ayaa warbixin kooban ka bixiyay wasaarada iyo mashaaricda ay gacanta ku hayaan sida (Capacity Injection Project CIP).

Kormeerka iyo kulan labada  dhinac waxuu ku soo idlaaday isbarasho iyo isdhexgal , kaftan iyo farxad, mid ka mid ah wafdiga ayaa yiri                                          “ku bartoo kuma daayo Puntland” oo u ahedy markii ugu horeysay uu tago Garowe.

Wasiir Saalax iyo Wafdiga uu hogaaminayay  waxaa loo soo galbiyay  garoonka diyaaradaha Konoco, waxeyna aheyd sagootin loo kala harin.

  Garowe Molsa PR 2 Garowe Molsa PR 3 Garowe Molsa PR 4 Garowe Molsa PR 6 Garowe Molsa PR 7 Garowe Molsa PR 8 Garowe Molsa PR 9 Garowe Molsa PR 10 Garowe Molsa PR 11 Garowe Molsa PR 1Garowe Molsa PR 12 Garowe Molsa PR 13 Garowe Molsa PR 14 Garowe Molsa PR 15