Wasiirka Wasaarada Shaqada iyo arrimaha bulshada ee XFS  Saalax Axmed Jaamac oo si rasmi ah u furay  Shirka sanadlaha  ee madasha Maamulka guud ee Hay’addaha dowladda.

Magaalada Muqdisho Waxaa  si rasmi ah kaga furmay Shirka sanadlaha ah ee madasha Maamulka guud ee Hay’addaha dowladda.

Inta uu socdo shirka waxaa loogu hadli doonaa arrimo ku saabsan tayaynta shaqaalaha iyo Hay’addaha dowladda heer  federal  iyo heer maamul goboleed.

Shirka waxaa ka qeyb galaya masuuliyiin ka socda wasaaradaha iyo hay’ddaha dowladda, xubno matalaya maamul goboleedyada dalka, aqoonyahano iyo qubaro laga soo kala xulay gudaha dalka iyo dibadda iyo sidoo kale wakiilo ka socda hay’ddaha caalamiga ah ee taageera dowladda federaalka soomaaliya.

Wasiirka Wasaarada Shaqada iyo arrimaha bulshada ee xukuumada Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac oo si rasmi ah shirka u furay ayaa la dardaamay xubnaha ka qeyb galaya shirka,waxa uuna faah faahiyay ahmiyada shirkan.

 

Wasiiru dowlaha Xafiiska Ra’isal Wasaaraha C/llaahi Xaamud ayaa sheegay in Xafiiska Ra’isal Wasaaraha uu ka shaqeynayo tayaynta shaqaalaha iyo Hay’addaha dowladda.

Xubnaha ka socda Maamul goboleedyada dalka ayaa sheegay in ay ku faraxsan yihiin qabsoomida shirkan, waxayna balan qaadeen iney dhaqan gelinayaan qodobada ka soo baxa shirkan.

Sida uu qorshaha uu yahay maalinta berrI ah ayaa la filaya in shirkaan la soo gabagabeeyo ka dibna laga soo saaro war murtiyeed ay ku heshiiyeen xubnaha shirka ka qeyb galaya, waxaana la filaya xeritaanka shirka iney ka qeyb galaan madaxda sare ee dowladda.