wafdi uu hogaaminayay wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada soomaaliya oo shir caalami ah kaga qeyb galay magaaladda geneva.

  Wafdi uu hogaminayo Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arimha Bulshada, Mudane Saalax Ahmed Jaamac eyna ku wehlinayeen mus’uuliyiin ka tisan wasaaradda shaqada, xubno ka tirasan Ururada Shaqaalaha Soomaaliyeed iyo Ganacsato ayaa gaaray Switzerland Magaalada Geneva oo  Xarun u ah  Ururka Shaqaalaha Dunida (ILO), halkaas oo ay uga qayb galayaan shirka 106-aad ee ururada shaqaalaha dunida.

Wafdiga ayaa ka anbabaxay magaalada Muqdisho 01/06/2017 ayaa garay xarunta ILO waxaana si diiran halkaas ugu soo dhaweeyey Safaarada Soomaaliya ee Switzerland. Wafdiga ayaa halkaas uga qaybgalaya shirka106-aad ee ururka shaqaalaha caalamiga kaasoo socon doona mudo laba Todobaad ah.

Wafdiga ugu qayb galaya Soomaaliya ayaa waxa hogaaminaya   Wasiirka Shaqada iyo Arimha Bulshada, Mudane Saalax Ahmed Jaamac waxaana xubno ka ah:
Xoghayaha Joogtada   Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Mudane Xasan Shariif Cusman iyo Madaxa qeybta horumarinta Shaqaalaha (HR) Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Mudane Cabdirisaaq Maxamed Maxamuud.

Shirkan oo sanadkiiba mar la qabto ayaa lagu falanqeeyaa duruufaha shaqo ee ka jira wadamada xubnaha ka ah ururka shaqaalaha dunida kaasoo ay kasoo qaybgalaan wasaradaha arimaha bulshada iyo shaqalaha iyo ururada shaqaale ee xubnaha ka ahaa ururka shaqaalaha dunida ( ILO).

Waa markii ugu horeysay oo ay soomaliya si wadajir ah uga qeybgasho shirka caalamiga ah ee ILO uu hogaaminayo   Wasiirka wasaaradda Shaqada iyo Arimha Bulshada, Mudane Saalax Ahmed Jaamac .

 

Minister Salah ILO Geneva 0 Minister Salah ILO Geneva 1Minister Salah ILO Geneva 2