Kulan looga hadlay waxqabadka Wasaarada shaqada & arrimaha bulshada oo Muqdisho lagu qabtay

Masuuliyiinta Wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada ee xukuumada Somalia ayaa maanta isugu yimid kulan lagu soo bandhigayey waxqabadka boqolka maalin ee Wasaarada, kaas  oo  lagu qabtay xarunta wasaaradaas ee magaalada Muqdisho.

Waxa ka qeyb galay kulankan masuuliyiinta sare ee wasaaradda iyo agaasimayaasha qeybaha kala duwan ee Wasaaraddaas, waxaana lagu falanqeeyey waxyaabaha u qabsoomay wasaaarada boqolkii maalmood ee la soo dhaafay iyo qorsheyaasha ay mustaqbalka higsaneyso.

Agaasimayaasha waaxyaha Wasaarada ayaa kulankaas ka soo jeediyey warbixino ku saabsan qorshe howleedka wasaaradda iyo waxyaabaha ka qabsoomay, sababaha keenay waxyaabaha qabsoomi waayey iyo sidii looga gudbi lahaa caqabadaha jira.

Xubnaha ka hadlay kulankaas waxaa ka mid ah agaasimaha qorsheynta ee wasaarada Salaad  Xuseen Cabdulle oo si qoto dheer uga hadlay dhibaatooyin ka taagan baasaboorka Service-ka ee loogu talo galay shaqaalaha dowlada iyo sidii loo xalin lahaa.

Waxaa sidoo kale kulankaas ka hadlay agaasimaha waaxda shaqaalaha gaarka ah iyo ajnabiga C/risaaq Macalin Cilmi oo isna sheegay iney wadaan qorshe ku saabsan sidii dadka Soomaalida ah ee qaban kara loogu wareejin lahaa shaqooyinka ay hayaan dadka ajnabiga ah ee dalka ka howlgala maadaama buu yiri ay dadkeenu badankood shaqo la’aan heysato.

Sharciga maamulka shaqaalaha rayidka ah ee dowlada ayaa sidoo kale kulankaas laga sheegay in diyaarintiisu oo muddo soo socotay ay heer gebogebo ah mareyso, dedaal badana ay wasaaradu ku bixisay sidii loo dhameystiri lahaa.

Xubnaha kale ee kulankaas warbixinada ka jeediyey waxaa ka mid ahaa la taliyaha wasaarada shaqada iyo arrimaha bulshada Prof, Yuusuf Salaad Warsame, Agaasinka tababarada ee wasaarada Ismaaciil Macalin C/llaahi iyo xubno kale.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo arrimaha bulshada Maxamed cadde Mukhtaar ayaa isna kulankaas ka sheegay in qorsheyaasha wasaarada ee boqolkii maalmood ee la soo dhaafay la qabtay %80 inta yar ee ka hartayna gacanta lagu hayo arintaasoo uu ku tilmaamay guul u soo hoyatay Wasaarada.

 Wasiir Arman 1

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada C/Casiis Saalax Carmaan oo gebagabadii kulankaas khudbad kooban jeediyey ayaa sheegay ku bogaadiyey shaqaalaha iyo agaasimayaasha waaxyaha wasaaradda howlaha baaxada leh ee ay qabteen boqolkii maalmood ee la soo dhaafay.

“Maadaama ay tahay dowladan mid ku timid isbedel waa in wasaaaradana ay la timaado isbedel, waxaa nalaga rabaa inaan ka shaqeyno waxyaabo ay ugu horeyso sidii aan dhalinyarada Soomaaliyeed aan ugu abuuri laheyn shaqooyin si looga badbaadiyo iney badaha ku dhamaadaan iyo in loo isticmaalo xagjirnimo, waxaana inoo qorsheysan inaan sanadka soo socda shaqo u abuurno shaqaale gaaraya 35,940 qof oo isugu jira hablo iyo wiilal, anagoo la kaashaneyna heyadaha caalamiga, sidoo kale waxaan wadnaa qorsheyaal ku saabsan sidii dadka naafada ah aan uga taageeri laheyn helida shaqooyinka maadaama ay qeyb ka yihiin bulshada” ayuu yiri wasiirka.

Ugu dambeyn Wasiir ku-xigeenka Wasaarada shaqada iyo arrimaha bulshada ayaa ku bogaadiyey Shaqaalaha wasaaradda waxqabadka muuqda ee ay la yimaadeen, isagoo kula dardaarmay iney dar-dar geliyaan siina xoojiyaan howlaha ay u hayaan bulshada Soomaaliyeed.

IMG_5634

IMG_5590 IMG_5594 IMG_5596 IMG_5601 IMG_5604 IMG_5605 IMG_5611 IMG_5617 IMG_5622 IMG_5625 IMG_5630 IMG_5651