Wasiirka shaqada  iyo arrimaha Bulshada oo shir wada tashi ah la yeeshay guddi u qaabilsanaa dib uhabeynta sharciga shaqaalaha rayidka  ee L11  

shir wada tashi oo ah  dib u habeynta sharciga shaqaalaha rayidka  ee L11  ayaa lagu qabtay  xarunta dhexe ee Wasaarada shaqada iyo Arrimaha Bulshada Magaalada Muqdisho, waxaana shir gudoominaayey Wasiirka  Wasaarada Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Mudane Salax Axmed Jaamac, shir  ayaa ahaa mid  wada tashi iyo isbarasho dhex marta Xubnaha Guddiga  waxaa looga hadlay qaabkii loo dardar galin lahaa dib u habeynta sharciga shaqaalaha rayidka  ee L11.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada Mudane Maxamed Cadde Mukhtaar  ayaa wasiirka wasaaradda  ugu war bixiyay tariiqdii wada shaqeyn uu soo maray gudiga dib uhabeynta sharciga shaqlaha rayidka ee dowlada L11. “Sharciga Shaqaalaha rayidka ee no.11 waxuu soo maray shaqo aad u dheer oo dhanka tarjumidda ah  eek u saleysnaa qaabkii hore uu u qornaa sharcigii shaqaalaha rayidka soomaaliyeed, waxuuna u baahnaa tafatirid, ka fikirid iyo waafajin sharuucda caalamka u dagsan ee shaqada iyo shaqaalaha.

 waxa si daah furan  laysku weydarsanayay su’aalo iyo jawaabo ku saleysan dib u habeyta sharciga shaqaalaha sida hay’adaha gacanta ka geysanayay dib uqorista shaqrciga shaqaalaha oo kala ah UNDP iyo WORDL BANK iyo  caqabadaha hortaagnaa in uu miro dhal noqdo sharcigani.

Waxaa si aad ah  loogu nuux nuux saday hakadka ku yimid dhameystirka sharciga shaqalaha  oo ahayd qaabkii la isla waafajin lahaa Musharaadka iyo darajoonyinka shaqaalaha  (pay and grading) iyo ku saleynta habka federaalka uu hatan dalka sii guda galay oo u baahan siyaasad mideysan oo ay leeyihiin shaqaalaha Soomaaliyed.

 “Soo saarida sharci mideysan oo fadaral ah wuxu ubahan yahay in la sameeyo wada tashiyo badan oo lala galayo dhammaan dowlad gobaledyada waxa la sheegay in ay dhammaan dowlad gobaledyada leeyihiin guddi shaqale rayid oo u gaar ah, marka laga reebo hirshabeele oo ku gudo jirto in ay yeelato guddig shaqaalle rayid” sidaana waxaa yiri mid ka mid ah guddiga.

Gudomiyaha guddiga shaqalaha rayidka Mudane  Xasan Abshirow Maxamed aya yiri “ daruuf ayaa keentay in uu socon waayo dib u habeynta sharciga shaqalaha L11 inta aan kaso qabanay waxa aan ku tilmameynaa iney tahay bilaw fiican oo ah  (0 draft ) waxaa jira oo aan cadeynayaa  sharci ay leeyihiin shaqaalaha rayidka oo 2016 la sameeyay balse midkan fadaraalka waxa noo keenay hay’adaha UNDP iyo WORDL BANK, labadan sharcina waxaa u dhaxeeya farqi balaaran, waxaa nagala shaqeynayay quburo ajnabi ah oo ay so dirsadeen hay’adaha UNka, qubarada ajnabiga ayaan noola shaqeyn sidii la rabay oo ah  dhameys tirka sharigani”n sidaana  waxaa yiri Gudoomiye Xasan Abshirow.

Sido kale waxa su’aalo la iska waydiiyay sharcigi hore ee shaqalaha L11 2006 dhaliisha uu leeyahay.

Waxa looga jawabay in sharcigi hore ay ku wada mideysan yihiin sharciga iyo anshaxa balse loo baahan yahay in la kala saaro sharci iyo anshax, taasina waxay noqotay mid ay wada garaawsadeen  guddiga lagana  dhigo wax kala baxsan oo leh mabaa’diid sharciga iyo anshax. Sido kale waxa aad loo falan qeyay doorka dadka da’da ah (patient) oo u bahan go’aan ka garis iyo kawada xaajood qaabka loo abaal marinayo (patient)  ayado lagu saleynayo duruufaha jiro.   siyaasada sharciga shaqalaha waxa uu ku xiran yahay dowladda  Soomaaliyeed gaar ahaan Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

Ugu dambeyntii waxaa soo gabagabeeyay shir  Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xil. Saalax Axmed  Jaamac  waxuuna u mahad celiyay gudiga ku howlana dib u habeynta sharciga shaqaalaha rayidka wuxuuna ku amaanay mudadii sanadka ahayd wax kaga badalaan sharciga shaqaalaha rayidka L 11. Wuxuna yiri “waxaan ogaaday in ay idin hor kacayeen quburo ay soo dirtay Qaramada midobay waxana idin balan qaadayaa in aan dib  usoo celin doono ka shaqeynta sharciga shaqalaha rayidka ah taas oo lagu saleyn doono ku dhaqanka arrimaha federaalka waxana la tashiyo badan la sameyn doonaa cid waliba oo gacan ka geysan karta mideynta iyo fulinta sharciga shaqalaha rayidka  ee dowladda sida ugu dhaw”.

pr Molsa guddiga 1 pr Molsa guddiga 2