Shirka Todobaadlah  a ee Agaasimayaasha  Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Oo Looga Hadlay Arrimo Ay Ka Mid Tahay U Diyaar Garowga Bisha Barakeysan ee Ramadaan (Soon).

Agaasimaha Guud iyo  Agaasimayaasha  Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa Xarunta Dhexe ee wasaaradda  ku yeeshay Shirkoodii Todobaadlaha ahaa oo ay Agaasimayaasha isugu imaan jireen Talaado  walba waxaana todobaadkan shirka looga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid tahay u diyaar garowga Bisha Barakeysan ee Ramadaan (Soon).

Shirka oo uu shir gudoominayey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimha Bulshada Mudane Maxamed Cadde Mukhtaar ayaa ugu horeyn waxa uu Agaasimayaasha Waaxyaha uga war bixiyay qodobbo ku habboon shirka todobaadlaha ah oo ay ka mid yihiin; Bisha Barakeysan ee Ramadan( Soonka) sidii Shaqaalaha Soomaaliyeed u gudan lahaayeen waajibaadkooda Shaqo iyo Cibaadada bisha barakeysan ee bilaaban doonta todobaankan gudahiisa, waxaana looga hadlay qaabka waqtiga shaqada Bisha Soon isbadalka ku imaan kara.

Sidoo kale qodobada shirka waxaa ka mid ahaa  Website-ka Wasaaradda oo ah www.molgov.so in la dar dar geliyo todobaad walibana lagu daabaco waxa ka soo baxa shirka Todobaadlaha ah ee Agaasimayaasha  Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada go’aamada ay gaaraan.

DG cadde

Agaasimaha guud ayaa ku boorriyay Agaasimahayaasha in ay ku dhaqmaan Qorshaha iyo Waajibaadka shaqo ee ka kooban 37da qodob ee u degsan Wasaaradda Shaqada  Iyo Arrimaha Bulshada.

 

Shirka Todobaadlaha ee Agaasimayaasha ayaa sidoo kale warbixinno la xiriira horumarrada  Arrimaha Bulshada gaar ahaan Naafada  ka dhageysteen Agaasimaha Waaxda Macadka Daryeelka Naafada Marwo Safiyo Abuukar Karaani iyo Shariif Adan Maxamed Agaasimaha Waaxda Naafada waxayna sheegeen in ay yaraadeen kaalmooyinkii laga heli jiray hay’adah gargaarka qaarkood.

Sidoo kale waxaa warbixin looga dhageystay Agaasimaha Shaqada Mudane Cabdi risaaq Macalin Cilmi oo ka tirsan Guddiga Kormeerka Hantida Maguurtada ah

Waxuuna sheegay “ taariikhdu markay aheyd  02/06/2015 la bilaabay  kormeerka hantida ma guurtada ah ee Wasaaradda Shada iyo Arrimaha Bulshada waxaana kamid ah

  1. Xarunta shaqo Qorista ( Officio Lavoro) ee Dagmada C/siis
  2. Xaruntii machadka sidam ee maamulka iyo maaraynta lagu baranjiray .
  3. Xaruntii  Wakaalada Badbaadada Shaqalaha Dowladda Agagaarka Daljirka Dahsoon
  4. Xarunta curyaamiinta ee cali kamiin    wardhiigley
  5. Guryaha shaqaalaha dowlada ee xamar bila  ( Wardhigley )
  6. Guryaha shaqaalaha ee African village  (Dagmada Hodan)
  7. Baarkii  African village     dagmada hodan
  8. Xarunta xeradda curyaamiinta ee digfer   Dagmada Hodan
  9. Guryaha  shaqaalaha caymiska   D/Yaaqshiid
  10. Guri deegaan ah wasiir hore   xamar billa Wardhiigley
  11. Guri deegaan ah   Agagaarka Digfer d/Hodan
  12. 5 guri oo deegaan ah xiriirka guud ee ururada shaqalaha  dagmada C/casiis
  1. Xaruntii xiriirka guud ee ururada shaqalaha   D/hodan
  2. Xarunta Tababarka Xirfadle yaasha (IVTC) ee Jidka          Warshadaha
  1. Xarunta Qeymeenta Xirfadla yaasha Qaranka ee Jidka       Warshadaha ku taal
  1. Xaruntii Dhexe ee Xafiisyada ee Wasaaradda Shaqada        D/ Cabulcasiis

Agaasimaha Waaxda  Mr. Cabdirisaaq  ayaa qodob-qodob uga war bixiyay Hantida ay soo kormeereen ayagoo guddi ah.

Agaasimaha Guud ayaa ugu dambeyn tilmaamay in Shirka Todobaadlaha ee Agaasimayaasha  ay isku raaceen in lasoo celiyo ololihii Waxqabadka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, iyo in la  garab istaago Wasiirrada  Wasaaradda Shaqada taas oo ah Soo dhaweynta Wasiirka Wasaarada oo safar shaqo ugu maqnaa dalka Dibadiisa.

shir Todobaadlaha  0 shir Todobaadlaha  1 shir Todobaadlaha  2 shir Todobaadlaha 3  shir Todobaadlaha 5 shir Todobaadlaha 6 shir Todobaadlaha 7 shir Todobaadlaha 8