Agaasimayaasha Waaxyaha oo soo dhaweeyay Isbadalka  cusub ee uu la yimid Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

Cadde DG 2

Agaasimayaasha  iyo Shaqaalaha  ayaa aad u soo dhaweeyay Adeega cusub ee uu ku soo kordhiyay Agaasimaha  Guud ee  Wasaaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada mudane Maxamed Cadde Mukhtaar, taas oo ah Horumarinta,  Tayeenta, Dayactirka  iyo qalabeenta Xarunta Wasaaradda  gaar ahaan  Adeega  internet-ka casri ah.

internet 7

Waxaada  Xiriirka guud iyo Isgaarsiinta oo doorweyn ka qaadatay taabo gelinta howlaha lagu soo gelinayay internet-ka xaruunta Wasaaradda ayaa si gaar ah u  wareysatay qaar ka mid ah Agaasimahayaasha waaxyaha oo la weydiinayay  sida ay u arkaan adeega cusub ee internet-ka lagu soo kordhya Wasaaradda.

 

Xog uruurinta ayaa ugu horeen lagu bilaabay Xafiiska Wasiir ku xigeenka  waxay sheegeen sidan  “ si aad ayaan usoo dhaweyneynaa adeega internet-ka ee lagu sameeyey xafiiska wasiir ku xigeenka, waxaan aamin sanahay in shaqadeeda xafiiska ay dhameestiran tahay, waxuuna internet-ka ii sahlayaa in  xafiiiska ku sii nagaadno  anigoo wax caajis ah dareemin”  sidaas waxaa tirey xukun cabdullahi muse xogeyta  xafiiska wasiir kuxigeenka  Wasaaradda.

internet 4

Agaasimaha Waaxda Arrimaha Bulshada oo xafiiskiisa uheystey internet tayo leh ayaa shegey “farqi weyn ayaa u dhaxeeya internet-yadii soo marey Wasaaraddan iyo kan aynu haysano haatan waxaan umahad celinayaa Agaasinka cusub ee ku dhiiradey in uu xafiisada Wasaaradda tayeyo dhanka Waaxda maamulka waxaan leeyahay yuusan kala go’in adeegan maamul iyo maaliyadba “sidaan waxaa yiri Cabdullahi Adan Agaasimaha Waaxda Arimaha Bulshada.

internet 5

Agaasimaha Waaxda Tababarada  “waa markii ugu horsey in aan helo internet sahlan oo deg deg ah mudadii aan joogay Xafiiska Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, internet-ka wuxuu sahlayaa in aan ka helno macluumaad ku aadan Waaxda Tababarada,

sidoo kale waxaa ka faa’ideysta internetkan dhamaan shaqaalaha waaxda tababarada oo aad iyo aad ugu faraxsan in ay sii  joogaan xafiisyadooda ayagoo haysto internet”sidaana waxaa yiri Agaasimaha waaxda tababbarada  Ismaciil Macalin Cabdullahi.

internet 1

Agaasimaha Waaxda Maamulka iyo Maaliyada “sida aad u aragtaan shaaqaalaha Waaxda  maamulka oo idil waxey ku sugun yihin xafiisyadooda ayagoo gudanaya  waajibaadka shaqo ee lagu leeyahay mar walbana waxaan tixgelinaa codsiyadooda,Waax waliba ee ka tirsan Wasaaradda waxay heysataa internet iyo adeega Xafiiseed u gaar ah,   mar walbana  waxaa naga ga’on in aan tayeyno adeega Wasaaradda” sidaana waxaa yiri Saciid Adan Mire.

Sidoo kale mid ka mid ah Agaasimka Waaxda Maamulka ayaa  yiri “waxaan u balan qaadeynaa in aan shaqaalaha wasaradda in usan ka go’in adeegan Inretnetka anaga uu aad uga taxadireyna Qarashaadka ku baxaya bil walba in aan iska bixino”.

internet 2

Waaxda daryeelka Naafada “ adeega cusub ee internet-ka wuxuu laf dhabar u yahay hor u socodka iyo shaqa wanaaga shaqaalaha si looga faa’ideysto aad iyo aad ayaan usoo dhaweyneynaa Technology cusub ee xafiisyada lagu soo kordhiyey internet-ka waa macalin gaar ah oo faa’ida badan uleh shaqaalaha waaxdan hadii ay ahaan lahayd isbadalada kusoo khordho dadka naafada ah ee aduunka ku sugan iyo qalabka ay u baahan yihiin, mahad gaar ah waxaan u soo jeedinaya Agaasimaha guud ee Wasaardda Mudane Cadde  iyo inta gacanta ka gaysatey soo gelinta Adeega internet-ka Wasaaradda.

 

Dhinaca kale waxaa aad u soo dhaweeyay internet-ka cusub qaar ka mid madax qeybeedyada Wasaarada oo laga dareemayay wajiyadooda in ay ku faraxsan yihiin adeega Internet-ka Xarunta Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshda.

internet 3   internet 6