Kulan  laba geesood ah  Wasaaradda Shaqada iyo  ILO  oo ku soo geba-geboobay Magaalada Muqdisho.

Kulanka oo ahaa mid labo geesood ah una dhaxeeyay  Wasaaradda Shaqada iyo  ILOda ayaa kaga furmay Garoonka Diyaaradaha ee Adan Cadde Magaalada Muqdisho, waxaana goobta ku suganaa Wasiir ku xigeenka Wasaarada Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Mudane Cusmaan Libaax Ibraahim, Agaasimaha Guud Mudane Maxamed Cadde Mukhtaar  iyo Agaasimaha  u qaabilsan ILO  dalka Soomaaliya iyo Ethiopia mudane George Okutho.

Kulanka ayaa ahaa mid  wada tashi iyo isbarasho dhex martay mas’uuliyiinta kala ah  Wasiir ku Xigeenka Wasaardda Shaqadda Iyo Arrimaha Bulshada iyo Agaasimaha Somaliya ee  ILO.

Marka uu bilowday kulanka waxaa looga hadlay qodobbo dhowr ah  oo muhiim u ahaa Shaqada iyo Shaqaalaaha Soomaaliyeed.

Kulan ka ayaa ahaa laba geesood oo ay isku weydaarsanayeen qaabkii loo dardar galin lahaa wada shaqaynta Wasaaradda iyo ILO, masuuliyiinta ayaa aad u lafo gurey qudobba xasaasi ah oo ku haboon wada shaqeyn ka gedisan tii hore in lala yimaado labbada dhinac.

Agaasimaha ILO u qaabilsan Soomaliya Mudane Cabdi Issakh ayaa ku soo dhaweeyay goobta kulanka mas’uuliyiinta ka socday Wasaaradda,   wuxuuna sheegey in uu aad ugu faraxsanyahay in ay maanta la kulmaan mas’uuliyiinta sare ee Wasaaradda shaqada iyo Arrimaha Bulshada .

ILO Dirctor 5

Ugu horeyntii waxaa ka hadley Wasiir Ku xigeenka Wasaaradda Shaqada Iyo Arrimaha Bulshada Mudane Cusmaan Libax Ibraahim “aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay In aan maanta dalkega Soomaaliya  aan ku qaabilo mas’uulka wakiilka uga ah ILO Somaliya,  muddo dheer ayaa maqlayay magaciisa balse maanta dalkeena ayuu inoogu yimid oo aan kawada hadleyno qodobbo muhiim u ah Shaqada iyo Shaqaalaha  Soomaaliyeed”.

Wasiir kuxigeenka oo sii watay hadalkiisa  ayaa sheegey “,maanta waxaan noo bilaabanaya waji cusub oo wada shaqeynta ILO iyo Wasaaradda waxaan rabnaa wada shaqeyntaasi in ay  ahaato mid ka duwan tii hore oo miro dhal ah , ILO iyo Wasaaradda waxay iskaga dhaw yihiin  Wasaaradaha  iyo Hay’addaha kale waxaana inoo dhaxeysa wada shaqayn caalami ah”.

 

Sidoo kale Wasiir kuxigeenka ayaa ka hadley arrimaha saxiixa heshiiska Shaqo u abuurka dhaliyarada Soomaaliyeed wuxuuna sheegey in ay tahay mid  aad loogu farxo mashruuca shaqa u abuurka dhaliyarada Soomaailyeed  waan soo dhaweynayaa Mas’uuliyiinta  Wasaaradda waa ay Saxiixayaan barnaamishkan shaqo abuurka Dhalinyadara, waxaan  doonayaa in lagaarsiiyo dhammaan  gobolada dalka si ay ugu faaideystaan fursada shaqa u abuurka dhaliyarada .

Cadde DG 1

Agaasimaha guud ee Wasaardda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Mudane Moxamed Cadde Mukhtaar  ayaa sheegey in ay fursad weyn u tahay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada kulankani ee la yeelanayaan mas’uuliyinta kasocda ILO “ waxaan rajenayaa in aan wada yeelan  doono wada shaqeyn horumar ku talaabsata, sida aad lasocotaan oo qoraalo badan  kusoo sheegnay in Wasaaradda isbadal lagu sameeyay ka wasaaradda ahaan  waxaana balanqaadaynaa in aan iskala shaqeyn doono, dhamaan howlaha ILO iyo Wasaardda u dhaxeeya .

Agaasimaha Waaxda qorsheynta Mudane Salaad Adan Cabdulle ayaa soo jeediyey in wax walba oo wada shaqeyn ah ay qorsheysan yihiin kuna  cad yihiin  dukumiinti tixraac leh gaar ahaan mashaariicda.

Dhinaca kale Agaasimaha ee u qaabilsan ILOda  dalka Soomaliya iyo Ethiopia Mudane George Okutho  oo ah markii ugu horsey ee uu la kulmo mas’uuliyiinta Wasaaradda ayaa sheegey in uu aad iyo aad ugu faraxsan yahay la kulanka mas’uuliyiinta Wasaaradda Shaqadda iyo Arimaha Bulshada .

ILO Dirctor

Mudane George Okutho   ayaa kahadley qodobbo dhowr ah oo ku aadan  socdaalkiisa shaqo uu ku yimid Magaalada Muqdisho wuxuuna sheegey in uu ka rajeynayo Wasaaradda Shaqada Iyo Arrimaha Bulshada wada shaqeyn hormar leh, wax walbo in ay noqdaan wax qorsheesan oo dukuminti leh,  heshiisyadii hore loo galey fulintooda, sida kii dalka Masar Cairo oo wasiirkii hore soo saxiixay ee ahaa ( decent work programme for Somalia).

 

Sidoo  kale wuxuu ka hadlay mashaariicda dhaliyaradda shaqo loogu  abuurayo ee  ( Youth Employment Programme) iyo qaabka loo shaqaaleyn doono  la taliyaha arrimaha shaqada ILO iyo  Wasaaradda shaqada,  sidoo kale wuxuu kahadley in ay Wasaaradda Shaqada boqol nooc oo mashruuc ah loo hayo shaqaalaha Soomaliyeed ka faa’iideysan karaan, wuxuu kaloo nintaa raaciyay in  sharciga shaqaalaha  u hayaan dhaqaale sidii  dib uhabeyn loogu sameyn lahaa  hadii aad soo  codsataan ka Wasaarad ahaan.

Agaasimaha ayaa aad ugu dheeraaday Shirarka Caalamiga kuwa  ILO qabato jiraan shaqsiyaad soo xaadiro oo magaca wasaaradda ku socda ama waa ay yar yihiin soo xaadirkooda , waxaan balan qaadeynaa ILO ahaan in aan gacan kageysano in aad ka soo qeyb gashaan shirarka caalimaga ah ee looga hadlayo danta dalka Soomaaliya .

Wuxuuna codsadey in dowlada Soomaaliya laga gaarsiyo fariin ku aadan in ay iska bixiyaan Qaaraanka lacageed ee codka Soomaliya  ku leedahay  shirarka caalamiga sida kan Geneva oo kale iyo kuwa la mid ah .

Ugu dambeen Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Mudane Cusmaan Libaax Ibrahim ayaa sheegey in uu la tashi badan la sameyn doono xukuumada iyo golaha baarlamaanka si loo fuliyo howlaha wada shaqeynta ILO iyo Wasaaradda Shaqadda  hadii ay ahaan lahayd ansixinta heshiisyadda dhexmaraya ILO iyo Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada  .

ILO Dirctor 4ILO Dirctor 0 ILO Dirctor 1 ILO Dirctor 2 ILO Dirctor 3

 

 

W/D waaxda xiriirka Guud iyo Isgaarsiinta