WASIIRKA SHAQADA IYO ARRIMAHA BULSHADA OO DALKA DIB UGU SOO LAABTAY

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Ibraahim  Sheekh Muudeey oo maanta caasimadda Muqdisho dib ugu soo laabtay ayaa ka warbixiyay shirka Wasiiradda Shaqada ee  sanadlaha shaqaalaha ILO ugu qabato Magaalada Geneva.

 

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Khaalid Cumar Cali ayaa ku wehliyay socdaalka dib ugu soo  laabashada dalka ee Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

 

Wasiirka shaqada iyo Arrimaha bulshada waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay Wasiir ku xigeenka Mudane Cismaan Libaax Ibraahim,  Agaasimaha guud Maxamed Cadde Mukhtaar iyo Agaasimayaasha Waaxyaha.

 

Wasiirka ayaa ugu mahad celiyay dhammaan inta ka soo qeyb gashay soo dhaweeynta diiran ee loo sameeyay, waxuuna intaa raaciyay mahad naq intii uu ku maqnaa safarka Shaqo howlaha ay qabteen mas’uuliyiinta Wasaaradda  shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

 

Ugu danbayntii Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa sheegay in Bisha barakaysan ee Ramadan ay muslimiinta tusaale fiican u tahay una taagan tahay adkaynta midnimada Muslimiinta, waxuuna  shaqaalaha  Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan ugu hambalyeyay dhalashada bisha barakaysan ee Ramadhan .

wasiir Muudey 1 wasiir Muudey 2 wasiir Muudey 3 wasiir Muudey 4

W/D. Waaxda Xiriirka Guud iyo Isgaarsiinta

Email:  ministry@mol.gov.so /  rashiid123@gmail.com