SHIRARKII WADATASHIGA EE QABANQAABINTA XIRIIRKA URURKA SHAQAALAHA DAWLADDA OO LAGU QABTAY XARUNTA WASAARADDA SHAQADA IYO ARRIMAHA BULSHADA

Kulan oo ahaa mid loga tashanaayo guddi qaban qaabiya sidii loo dhisi lahaa xiriirka ururka shaqaalaha Dowladda ayaa furay agaaasimaha waaxda shaqada iyo shaqaalaha C\risaaq Macalin Cilmi wuxuuna yiri “kulankaan waxaan isugu imaaney in aan ku sameeyno guddi qabanqaabin oo u istaaga dhisida xiriirka ururka shaqaalaha iyo dardar gelintiisa iyo sameynta shuruucdii uu ku shaqeyn lahaa waxaana loo baahan yahay in aan la dadaalo si aan wax badan u qabano oo ay natiijo kaga soo baxdo shirkan inoo furmay maanta”.

Waxaa xigey dood furan oo ay yeesheen kasoo qeyb galayasha shirka waxayna soo jeediyeen inla sameeyo qodobadii ay ku shaqeyn lahaayeen gudigaan qabanqaabada,in la helo xog ku saleesan xiriirka ururada shqaalaha ee waqtigii ee dawladii hore kacaanka si aan wax uga barano muhiimada uu leeyahay ururukaan,shqaalaha ururada gaarka loo leeyahay qorshaha uga shirkaan ,in la mideeyo dhamaan hay,adaha dowladda ayna ka qeybqaataan dhisida ururkaan hay,adaha ka maqan shirka lagu soo daro dawrkoodana ka qaataan ,waayo aragnimada aan u leenahay ururkaan oo yar dartiis waxaa wasaarada shaqada looga baahanyahay in ay furto tababaro ku aadan barida barashada xiriirka ururka shaqaalaha ,in aan daba joogno oo aan u dhabar adeegno dhisida ururkaan si aan u helno xuquuqdeena, Fikrado is weydaarsi ka dib waxaa la isla gartay in la magacaabo labbo guddi oo guddi kasta ka kooban yahay shan xubnood gudiyadaas oo ka kala ah.

 

Gudiga loo xilsaaray raadinta xog ku saabsan xiriirka ururada shaqaalaha kana bixiya fahan guud, Gudi qaban qaabinta iyo wacyi galinta Gaba gabada shirka waxaa soo xiray xoghayaha joogtada Wasaaradda Shaqda iyo Arimaha Bulshada Xasan Shariif Cusmaan waxuuna sheegay in Wasaaradda kalinta uga adan ay ka qadan doonto dhisida ururkaan tababaro loo furi doono ramadaan ka dib.

Shirkaan midka xiga ayaa lagu madalsan yahay in laga dhageysto war bixino labo guddi oo kala ah guddiga wacyi galinta shaqaalaha Soomaaliyeed iyo gudiga Raadinta taariikhdii iyo macluumaadka xiriirada shaqaalaha Dowlada ee heer caalami iyo heer Sokeeye.

Waxaa la isku afgartay in Workshop loo qabto guddiga qaban qaabada oo ay ka kooban yihiin dhamman shaqaalaha hey’adaha dowladda ramadaanka ka dib. Magacyada gudiga wacyi galinta shaqaalaha Soomaaliyeed.

1. Maxamed Axmed Xuseen

2. Axmed C\qaadir Cali

3. Xasan Maxamud Dafare

4. Axmed Salaad Axmed

5. Samiiro Alas Shire

Magacyada gudiga Raadinta taariikhdii shaqaalaha Soomaaliyeed.

1. Xasan Cali Axmed

2. Axmed Cilmi Waasuge

3. C/rashiid C/laahi Xaydar

4. Maxamed Maxamud Cali

5. C/laahi Cusman Cumar

XUSHAD 1

XUSHAD 2

XUSHAD 4

XUSHAD 6