Xoghayaha joogtada Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo la shiray dhamman  shaqaalaha Wasaaradda.  

 

Kulankani ay soo xaadireen Xoghayaha joogtada, Agaasimayaasha iyo dhammaan Shaqaalaha Wasaaradda ayaa waxa uu ahaa mid ku saleysan isbarasho uu xoghayaha ku baranaayay dhammaan xubnaha ka tirsan wasaaradda iyo sidoo kale ogeysiin ku saabsaneyd xaadirista shaqada.

Isbarasho kaddib, iyadoo Agaasimayaasha guubaabo iyo talo-bixin siinayeen shaqaalahooda ayaa Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyadda ee  Wasaaradda Marwo Safiya Abuukar  Karaani waxey ka hadashay arrin xasaasi aheyd oo ku saabsan soo xaadirista Shaqaalaha Wasaaradda iyo ciqaabta lasoo gudboonaanaysa qofkaan soo xaadirin, waxeyna tiri: “Waxaa is badalay maqnaashiyaha shaqaalaha ee aan waxba laga qaban jirin oo Wasaaraddu waxey soo rogtay ciqaab ah in mushaharkiisa laga jari doono qofkii ka maqnaada shaqadiisa, sidaa darteed waxaan idiin farayaa inaad fiirsataan shaqadiina kana fikirtaan inaan laydiinka goyn mushaharkiina”.

Waxaa xigay Agaasimayaasha kala ah, Cabdirazaaq Macallin (Waaxda Shaqada), Cabdirashiid Xeydar (Waaxda Xiriirka Guud iyo Isgaarsiinta), Cabdullahi Aadan (Waaxda Arrimaha Bulshada) iyo Ismaaciil Macallim (Waaxda Tababarka) in ay dhammaantood usoo jeediyeen Xoghayaha Joogtada waxqabadkooda ee waax waliba ah iyo inay diyaar u yihiin inay si buuxda ula shaqeeyaan.

Ugu dambeyn xoghayaha Joogtada Mudane Xasan Shariif Cusman  ayaa soo gabagabeeyay kulankani kaasoo yiri: “Waad ku mahadsan tihiin  ka soo qeyb gal kiina kulankan  muhiimka inoo ah, talooyinka wax ku oolka ah oo aad sheegteen waan idinla qaatay,   haddaba maadaama ay bil ramadaan tahay dib ayaan u dhiganeynaa xisaabtankeena iyo isweydaarsiga afkaarteenna, waxaana wada fariisan doonnaa Ramadaanta ka dib”. Sidaa waxaa yiri Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

PS meeting with staff 1PS meeting with staff 2 PS meeting with staff 3 PS meeting with staff 4 PS meeting with staff 5 PS meeting with staff 6 PS meeting with staff 7