SHIR LAGU SOO BANDHIGAYEY NATIIJADA KU HAWLGALKA TIROKOOBKA SHAQAALAHA DAWALADDA OO LAGU QABTAY XARUNTA WASAARADDA SHAQADA

Barnaamijka hubinta iyo tirokoobka shaqaalaha dawladda ( HR Audit)  oo loo qabtay aqoon isweydaarsi  (Workshop) saconayey muddo laba maalmood ah islamarkaana lagu wacyi gelinayay dhammaan ka soo qeyb galayaashii ahaa  shaqaalaha rayidka dawladda ee ku sugnaa ROYAL PALACA HOTEL ayaa maanta natiijadii ka soo baxday lagu soo bandhigay Xarunta dhexe  ee Wasaaradda Shaqada iyo arrimaha Bulshada XFS.

Shirka ayaa waxaa ka soo qayb galay  Wasiirka WasaaraddaShaqada iyo arrimaha Bulshada  Xildhibaan Saalax Axmed Jaamac, guddoomiyaha Hanti-dhawrka guud ee Qaranka Maxamed Cali Afgooye, guddomiyaha  guddiga Shaqaalaha Rayidka ah ee Dawladda Mudane  Xasan Abshiroow Maxamed, Xog-hayaha guud ee  xafiiska RW, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Shaqada Mudane Maxmed Cadde Mukhtaar,  agaasime waaxeedyo, xubno kasocdey xiriirka Mashruuca CIP ee PCU iyo khuburo caalami ah sida shirkada  (ASLA consulting)  iyo (African professional development Group) mas’uuliyiin ka tirsan oo kala ah Xamdi Sheekh Maxamed, Rahma Axmed, Liiban Beddel, Charles Kinyeki iyo Sarah Richson.

Shirka oo laba geesood ahaa ayuu u dhexeeyay  shirkada ASAL iyo Guddiga sare ee tirakoobka shaqaalaha  waxaana  diiradda lagu saarayey soo bandhigida waxyaabihii u qabsoomay iyo qaabkii ay u bilaabi lahaayeed tirokoobka shaqaalaha rayidka ah ee dawladda, ASAL ayaa sheegtay  guulihii ay gaareen mudada gaaban, iyagoona soo bandhigay dukumiinti ka turjumaya qibrada ay u leeyihiin fulinta tirakoobka, waxeyna ka hadleen in ay caqabad la kulmi karaan in ay socoto tirakoobka kudhowaad 6,000 (Lix-kun) oo shaqaale ah.

Maxamed Cadde Mukhtaar oo ah Agaasimaha Guud ee wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada  islamarkaana ah guddoomiyaha guddiga tirokoobka shaqaalaha dawladda ayaa  guddiga sare uga  war bixiyay talooyinkii ka soo baxay aqoon isweydaarsigii u soo idlaaday shalay shaqaalaha rayidka ah ee dawladda.

Mas’uuliyiinta Shirkada ASLA Drs. Xamdi Sheekh Maxamed iyo Raxma Axmed ayaa si talan taali ah hadal uga jeedinayey goobta shirka ayagoo aad ugu faraxsan kulanka guddiga sare ee tirokoobka  wexayna xuseyn inay marwalba si dhow ula soconayaan guddiga farsamo xaaladdooda islamarkaana ay dedaal xooggan  ku bixinayaan sidii uu guddigaani u gaari lahaayeen natiijo wanaagsan.

Guddomiyaha guddiga Shaqaalaha Rayidka ah ee Dawladda Mudane  Xasan Abshiroow Maxamed ayaa tilmaamay xiligaan in uu yahay xiliga ugu haboon ee la tirokoobi karo Shaqaalaha ,  Xukuumadana iyo Baarlamaankana ay wada sugayeen natiijada wanaagsan ee kasoo baxi doonta  barnaamijka Hubinta iyo tirokoobka shaqaalaha dawladda taasoo ka  mid ah hawlaha loo idmaday  Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

Ugudambayn, Wasiirka WasaaraddaShaqada iyo arrimaha Bulshada  Xildhibaan Saalax Axmed Jaamac, oo shirka furay ayaa kudheeraaday muhiimadda uu barnaamijkaani u leeyahay shaqaalaha rayidka ah ee dawladda iyo  dedaalladii  ay dawladdu u gashay tayaynta iyo xaqiijinta shaqaalaha dawladda inla tirakoobo, waxuuna sheegay wasiirka “tirakoobka  waxuu cadeynayaa in shaqaalaha rayidka ah ee dawladdu uu sugan yahay islamarkaana uu qof waliba lagu qori doono (online system) ama aqoonsi danabaysan (Electronic ID ) kaas oo caddaynaya shaqaaluhu qofka uu yahay, meesha uu ka shaqeeyo iyo shaqada rasmiga ah ee uu dawladda u hayo islamarkaana uu shaqaaluhu ku qaadan doono   xuquuqaadkiisa Mushahaariga ah”.

Shir ayaa ku idlaaday jawi farxadeed iyo is afgarad labada dhinac ah

Natiijada Workshopkii tirakoobka 11

Natiijada Workshopkii tirakoobka 1 Natiijada Workshopkii tirakoobka 2 Natiijada Workshopkii tirakoobka 3 Natiijada Workshopkii tirakoobka 4 Natiijada Workshopkii tirakoobka 5 Natiijada Workshopkii tirakoobka 6 Natiijada Workshopkii tirakoobka 7 Natiijada Workshopkii tirakoobka 8 Natiijada Workshopkii tirakoobka 9 Natiijada Workshopkii tirakoobka 10  Natiijada Workshopkii tirakoobka 12 Natiijada Workshopkii tirakoobka 13 Natiijada Workshopkii tirakoobka 14

WD: Xafiiska Ag. Waaxda Xiriirka guud iyo Isgaarsiinta

(PR MOLSA)