Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada oo kulan wada tashi ah la qaatay guddiga farsamada ee tirakoobka Shaqaalaha dowladda.

Wasaaradda shaqadda iyo arrimaha bulshada oo kaashaneysa Shirkada  caalamiga ah ee (ASAL Consulting) ayaa kulan wada tashi iyo aqoon-isweydaarsi u qabatay mas uuliyiin ka tirsan guddiga farsamada ee tirakoobka shaqaalaha dowladda, waxuuna ka dhacay kulanka  Hoteelka SHabeel ee magaaladda Muqdisho.

kulanka waxaa goobjoog ka ahaa Agaasimaha Guud ee (MOLSA), Agaasimayaal Waax  iyo madax qeyb  ka tirsan Gudiga farsamada ee tirakoobka Shaqaalaha dowladda federaalka Soomaaliya, la taliyeyaasha  wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada  iyo Mas’uuliyiin ka socotay Shirkada (ASAL Consulting) iyo (African Development profissional Group) .

kulanka wada tashiga iyo aqoon-isweydaarsiga ayaa  looga hadlay hab maamuuska iyo hanaanka farsamo ee  loo tirakoobi karo Shaqaalaha Rayidka ee Hey’adaha Dawladda XFS.

Ka qayb-galayaasha kulanka  aqoon-isweydaarsiga ayaa isku dhaafsaday fikrado iyo doodo ku saabsan sidii loo heli lahaa hab mideysan  oo  ay ugu faa’ideysan lahaayeen waqtiga uu soconayo mashruuca tirakoobka shaqaalaha dawladda oo  socon doona mudo Lex bilood ah   ayna  howl  wadaagayaan Gudiga farsamada ee tirakoobka Shaqaalaha Rayidka ee Hey’adaha Dawladda ay horkacayaan Shirkada (ASAL Consulting)   iyo Wasaaradda Shaqadda iyo Arrimaha Bulshada.

Ugudambayn, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo arrimaha Bulshada  mudane Maxamed Cadde Mukhtaar oo kulanka soo xiray ayaa u mahad celiyay dhammaan ka soo qeyb galayaasha iyo khubarada  Shirkada (ASAL Consulting). waxuuna sheegay Agaasimaha Guud “waxaan filayaa in laka faa’ideystay lana fahmay (Tools) ka lagu howl galaayo iyo sida loo howl galaayo, waxaan Allaah ka baryayaa in uu  sahlo masuuliyda  aan u qaadnay in aan soo  tirakoobno Shaqaalaha Rayidka ee Hey’adaha Dawladda”.

Tools iyo howlgalka tirakoobka 8

Tools iyo howlgalka tirakoobka 1 Tools iyo howlgalka tirakoobka 2 Tools iyo howlgalka tirakoobka 3 Tools iyo howlgalka tirakoobka 4 Tools iyo howlgalka tirakoobka 5 Tools iyo howlgalka tirakoobka 6 Tools iyo howlgalka tirakoobka 7