Shir Jaraa’id uu Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ku daahfuray Barnaamijka Shaqaalaha Soomaaliyeed ee dalka dibaddiisa u shaqo tagayo                                                                                                                                               

Wasiir ku xigeenka wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Cusmaan Libaax Ibraahim oo maanta Shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa ku daahfuray Qorshaha Shaqaalaha DowladdaSoomaaliyeed iyo kuwa madaxa Bannaanba ay ugu Shaqo tagaayaan Dalka Sacuudiga.

Wasiir ku xigeenka oo warbaahinta la hadlaayay ayaa waxuu yiri:
“Waxaan maanta daahfuraynaa qorshihii Shaqaalaha Soomaaliyeed ay ugu Shaqo tagi la haayeen Dalalka Khaliijka, qaas ahaan Dalka Sacuudiga. Wasaaradda waxey horay ugu codsatay Dowladaha Khaliijka inay u sameeyaan Shaqo-abuur, waxaana ugu horreyn aqbalaad ka helnay Dalka Sacuudiga iyadoo madaxweyne Xasan Sheekh uu qeyb weyn ka qatay asagoo goor hore kala hadlay arrinkani dhiggiisa Dalka Sacuudiga Boqor Salmaan”.

Wasiir ku xigeenka ayaa sheegay tirada Shaqaalaha waqtil-xaadirkan loo diri doono Dalka Sacuudiga waxuuna yiri:
“Shaqaale 2000 ay tahay tiradooda ayaan u diri doonnaa Dalka Sacuudiga, kuwaasoo isugu jira Xoogsato, Kalkaaliyayaal iyo Injineero.  Waxaana Shirkadaha fareynaa inay bilaabaan xulashada Shaqaalahay dirsan lahaayeen.

Wasiirka oo mar la waydiiyay qaabka loo xuli doono Shaqaalaha iyo cidda xuleysa ayaa waxuu yiri:
“Siyaasadda lagu xulayo Shaqaalaha Soomaaliyeed waxaa diyaarisay Dowladda gaar ahaan Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada iyadoo la horgeeyay golaha wasiirrda ayna saxiixeen siyaasadaasi, sidaa darteed Wasaaradda Shaqada ayaa maamulaysa, fulintana waa Shirkadaha”.

Wasiirka oo ka hadlay qaabka uu ahaan doono xiriirka Shaqaalaha Soomaaliyeed ee la diri doono iyo Dowladda Sacuudiga ayaa sheegay inay ka wada hadleen labada Wasaaradood ee Shaqada ee labada Dal, heshiisna ku gaareen magaalada Jakarta ee caasimadda Dalka Indonesia.

Waxaa wasiirka la waydiiyay inay jirto fursad kale ee Shaqaalaha Soomaaliyeed loogu diri doono dalka dibaddiisa, waxuuna yiri:

“Marka xigta 5000 ilaa 7000 ayaan diri doonnaa, waliba qorshaheenna waxuu ahaa ilaa 7000 inaan qaadno ilaa bisha Ramadaan”.

Wasiirka waxuu ka hadlay xuquuqda Shaqaalaha Soomaaliyeed cidda ka warqabeysa, waxuuna yiri:

“Wasaaradda ayaa ku dhex jiri doonta Shaqaalaha Soomaaliyeed iyo Dalka Sacuudiga, mas’uulna ka ah, booqan doontana goobahay ka shaqeyn doonaan iyadoo ka shaqeynaysa ilaalinta xuquuqda Shaqaalaha Soomaaliyeed”.

Warbaahinta ayaa waydiisay Wasiirka Sida laga yeeli doono dhibaatada ku heysata dalka sacuudiga xoogsatada Soomaaliyeed ee u tahriibtay sida sharci darradana ahna ku joogta ayaa waxuu yiri:

“Waxey wasaaraddu waqtigan ka shaqeynaysaa inay sharciyeyso kuwa sharci darrada ku jooga dalka Sacuudiga, sidoo kalana siiso fursaddan shaqo ayagoo la wadaagi doona Shaqaalaha ka bixi doona Dalka”.

Wasiirka oo ka war bixiyay war-suuqeeda iyo Shaqaale lacago looga qaatay in loo diri doono Dalka dibaddiisa ayaa waxuu yiri:

“Waxii maanta ka horreeyay lacagihii looga qaatay Shaqaalaha Soomaaliyeed kuwa kamid ah in loo diri doono Dalka Dibaddiisa waxba kama jiraan, Shirkaddey ku caddatana ruqsadda ayaan kala laaban doonnaa”.

Wuxuu kaloo sheegay inay jiraan wax lacag ah oo yar ee Shaqaalahalaga qaadi doono balse Wasaaraddu ay dib kasoo sheegi doonto.

Wasiirka waxaa la waydiiyay muddada Shaqaalaha ay maqnaan doonaan, waxuuna yiri:

“2 sano ayay xaq u leeyihiin Shalaaqaha, heshiiskuna ku xusan, iyadoo mar fasax ah uu leeyahay labadaasi sano, inkastoo uu awood u leeyahay shaqaalaha inuu asaga ku darsan karo waqtiga”.

Asagoo Wasiirka ka hadlaayay masuqmaasuqa dhici kara ama haddaba qaar kamid ah Shaqaalaha Soomaaliyeed looga qaatay lacago ayaa ku celceliyay in lagala laaban doono ruqsadda Shirkaddii ay ku caddaato, kuwa aan ruqsadda heysanna laga qaadi doono tallaabo sharci ah.

Ugu dambeyn mar uu Wasiirka dhiirragalinaayay Shaqaalaha Soomaaliyeed ayaa sheegay in aysan jiri doonin Shaqaale Soomaaliyeed ee dhoofi doona ayanan ogeyn Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayna Wasaaraddu sidoo kale ballan qaadeyso si caddaalad ah inay ugu qeybin doonaan Dhammaan Gobollada Dalka.

Shirkan jaraa’id waxaa kasoo qeybgalay labada Shirkadood ee Ladan iyo Samra.

sacuudi 1

sacuudi 2

sacuudi 3