Agaasimaha Guud ee wasaaradda shaqada oo furay shirka wada tashiga shaqada iyo shaqaaleynta ee qorshaha Qaranka.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Mudane Maxamed Cadde Mukhtaar ayaa magaalada Muqdisho ka  furay  shir lagu qorsheynayo shaqada iyo shaqaaleynta ee Qorshaha Horumarinta Qaranka (NDP) ee 3da sano soo socota.

Shirkani lagu qorsheynayo Shaqada iyo Shaqaaleynta ee Qorshaha Horumarinta Qaranka (NDP) ee 3da sano soo socota ayaa waxaa daah furay Agaasimaha guud ee Wasaaradda shaqada  iyo Arrimaha Bulshada Maxamed Cadde Mukhtaar.

Shirka  ayaa waxaa kasoo qeyb galay musuuliyiinta Wasaaradaha Adeegga ee Arrimaha Bulshada sida: Wasaaradda Waxbarashada, Wasaaradda Maaliyadda, Wasaaradda Qorsheynta, Wasaaradda Haweenka, Guddiga Shaqaalaha Rayidka, Ururada Haweenka, Ururka Shaqaalaha iyo Wasiirrada Shaqada ee Maamul-Goboleedyada Dalka iyo sidoo kale masuuliyiin heer sare ah ee hay’adaha ILO iyo UNDP.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Maxamed Cadde Mukhtaar oo furay Shirka  wuxuu yiri : “Qorshahaan sadaxda sano ee lagu diyaarinayo Shaqada iyo Shaqaaleynta ee Qorshaha  Qaranka waxaa qeyb weyn ku leh Wasaaradda Qorsheynta, waxaana gacan ka geystay in uu qabsoomo hay’adda ILO,  Agaasimaha  guud  ayaa sharraxaad dheer ka bixiyay ujeedka Shaqada iyo Shaqaaleynta saddexda sano ee socota Qorshaha Horumarinta Qaranka, asagoona xusay in qorshahani uu yahay mid horumar gaarsiin kara Wasaaradda”.

Waxaa sidoo kale ka hadlay madaxa hay’adda ILO ee soomaaliya Ilyaas Diriye: “Qorshahani wuxuu muhim u yahay in ay ka faa’idaystaan dhallinyarada wax baratay shaqo abuurna u yahay , waxaana rajaynaayaa in qabyo-qoraalkan wax laga baddalo si ay uga faa’idaan          da’yarta,  hay’deenna ILO-na waxaay diyaar u tahay in ay horumariso arrimaha Shaqada iyo Shaqaalaha“

Qodobadan soo socda ayaa waxaa si wadajir ah usoo saaray kasoo qeyb-galayaasha madasha, waxeyna talo ka bixiyeen qabyo qoraalkan oo diiradda lugu saarayay qodobbo dhawr ah:

1. Xoojinta Maamulka, Maaraynta iyo Iskaashiga Wasaaradda Shaqada si ay u bixiyaan barnaamijyo iyo adeegyo hufan oo wax ku ool ah ilaa sanadka 2019.

2. Horumarinta qibradda Shaqaalaha iyo in loo furo siminaaro ku saabsan shaqada.

3. In la sameeyo  Shaqo-abuur, si kor loogu qaado suuqa shaqada, iyo heerarka sinnaanta shaqaalaha.

4. In la dhiso goobaha shaqada, shaqaaluhuna ay noqdaan kuwa caafimaad qaba, korna loo qaado  ammaankooda.

5. Horumarinta xiriirka shaqada, si loo hagaajiyo hababka xallinta khilaafaadka, dhexdhexaadinta, iyo wadahadalka bulshada.

6. In la xoojiyo qaabka macluumaadka laguna xoojiyo qorshe wanaagsan iyo in lagu maamulo Waaxda Shaqada si ku saleysan Tayo wanaag, La qabsi xaalad waliba ee cusub, Si joogta ah, Laysku haleyn karo, Warbixin sax ah, Falaanqeyn iyo Soo gudbin.

Wasaaradda Shaqada ayaa noqotay Wasaaraddii ugu horreysay ee aqbashay Qorshaha Hormarinta qaranka, waana qorshihii qabyo qoraalka ugu horeyay ee loo qabto Wasaaradda shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

meeting  ILO 4

meeting  ILO 3 meeting  ILO 2 meeting  ILO 1 meeting  ILO 01 meeting  ILO 0