WASAARADDO BURBURSANAA OO LOO BADALAY QASRIYO DAWLADEED

Isbadal aad mug weyn ayaa soconaya, mugdigii ayaa laga sii guurayaa, nadaafad daradii  ayaa sii dhamaanaysa, bilicdii ayaa soo laabanaysa, dib u dhis, dayactir iyo hagaajin ayaa goobo badan laga wadaa, rajadii ummadda ayaa soo noolaanaysa, maailnba maalinta ka dambeysa waxa soo if baxaya sharaftii iyo quruxdii lagu yaqiinay caasimadda Wadankeena ee Magaalada Muqdisho.

Wasaaraddo, Wakaaladdo, Warshado, Hoteelo, Carwooyin, Wadooyin iyo Kaabayaal kale oo xariga laga jarayo ayaa malin kasta ku soo biiraya Qaranka Soomaaliyeed, xarun walba oo dib loo yagleelo waxay horumar  ku kordhinaysaa dib u soo laabashada Maqaamkii ay Soomaaliya ku dhex lahayd beesha Caalamka, farxad, yididiilo iyo reyn-reyn ayay dadkeenu   u tahay guulaha isdaba jooga ah ee ka soconaya Gayigooda.

Nasiib wanaag maalintii loo dabaal degayay Xuska 1-da Maajo 2016-ka waxaa si rasmi ah loo furey oo  albaabada loogu balaqay xarumaha Wasaaraddaha Shaqada iyo Arimaha Bulshada iyo  Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska iyo Guryeynta, taariiq ahaan xarumaha Wasaaraddahaasi ayaa ku burburay dagaaladii sokeeye ee Dalka ka dhacey, Alle mahadii 25-sanno kadib ayaa haatan lagu najaxay in dib loo soo celiyo saldhigyadii ay ku shaqeyn jireen  Wasaaraddahaasi, in ku dhaw hal  sanno ayay socdeen hawlaha baaxadda leh ee lagu soo nooleeynayay fariisanadii Hey’adahaasi.

La-yaab iyo hal xiraale ayay madaxda Dawladda  iyo bulshada Soomaaliyeed  ku noqotay sida ay ahaayeen iyo qaabka  laga dhigey Wasaaraddahaasi, ka hor intii aan goobahaasi laga shaqo galin waxay ahaayeen meelo si weyn looga cabsado oo ishu aaney qaban karin nadaafad darada  ka jirta awgeed, meel kasta waxaa ka muuqdey BUURO QASHIN ka sameysan,  muuqaalka  guud ee dhismayaashaasi waxay isu badaleen sida Xeryaha Barakacayaasha ee ku yaala Magaalada oo kale.

Dadaal, isku tashi iyo naf hurnimo ay sameeyeen Madaxda iyo hawl wadeenada 2-da Hay’adood ayaa dhaliyay in lagu guuleysto sidii Wasaaradda Shaqada iyo tan Hawlaha Guud ay u noqon lahaayeen QASRIYO DAWLADEED quruxda ay qabaan darteed, dhal-dhalaalka, qalabka la dhigey xafiisyada, dhirta lagu beerey dhulka, mar-marka iyo muteneelka la gogley iyo hanaanka adeeg walba loogu hurey Wasaaraddahaasi ayaa soo jiidaneysa qof walba oo goobahaasi booqda, ha ka dhex bixin, iska joog, Alla yaa halkaan xafiis kaa siiya ayaa ku qabnaysa marka aad dhex istaagto Wasaaraddahaasi.

Xaflad si balaaran loo soo qaabeeyay oo lagu daah fureyay labaddaasi Wasaaradood ayaa maalintii Axadda aheyd waxaa lagu qabtay xarunta Wasaaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshada, munaasabadaasi  ayaa aheyd mid aan loo kala harin ka qeyb galkeeda, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Md, Xasan Shiikh Maxamuud ayaa  xariga ka jarey  dhisamha loo yagleeyay Wasaaraddahaasi, khudbad dheer oo  Madaxweynuhu uu fagaarahaasi ka soo jeediyay ayaa wuxuu ku sheegay inuu ka Madaxweyne  ahaan si aan la qiyaasi karin ugu faraxsan yahay sida  laga dhigey labadaasi Hay’adood, wuxuuna cadeeyay  iney mudan yihiin  in lagu deydo, isagoo ka mahad celiyay sida daacdnimada, wadninimada  iyo geesinimada leh ee looga mira dhaliyay dib u soo nooleeynta xarumhaasi.

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshada iyo Wasiir ku xigeenka Wasaaraddaasi Halyeey  Cabdi Weli Ibraahim Sh. Muudeey iyo Md, Cusmaan Libaax Ibraahim oo iyaguna ka hadlay xafladaasi ayaa ka sheekeeyay halgankii lixaadka lahaa ee loo soo galay dib u dhiska Wasaradaasi, iyagoo ku cel-celiyay sida sharafta leh ee loogu guuleeystay dhismaha  Wasaaradooda  iney Astaan u tahay sida uu  dib ugu soo laabanyo Qarankii Soomaaliyeed, sidoo kale waxaaa isna halkaasi ka hadlay Wasiirka Hawlaha Guud Eng. Saalax Sh. Cusmaan Muuse oo ka war bixiyay heerarkii ay soo martey dib u dayactirka Wasaaradiisa.

Boqolaalkii qofood ee munaasbadaasi lagu casuumay oo isugu jirey Wasiiro, Wasiir ku xigeeno, Wasiiro dawlayaal, Safiiro, Taliyayaal ciidan, Duqa Muqdisho, Qurba joog, Madax Dhaqan, Haweenka Qaranka, Shaqaale weynaha Soomaaliyeed,Fanaaniin iyo Saxafiyiin ayaa soo dhaweeyay sida cajaa’ibta badan ee loo unkey Wasaaraddahaasi, iyagoo qirey iney aad u jecleysteen sida aan la maleysan karin ee xarumahasi loo sameeyay.

Soomaaliya wey soo nolaaneysaa horey beyna u socotaa soona noqon meyso, talaabadani dhaxlgalka  ah ee lagu dhisey Wasaaradahaasi waxay daliil u tahay sida ay Soomaaliya uga soo kabanyso dhibaatadii ku habsatey, waa guul cusub oo u soo hoyatey shacbigeena sida  loogu aflaxey dhismayaasha la furey, amaan iyo bogaadin waxaa mudan horseedkii har iyo habeenba u soo jeeday sidii ay u heli  lahayeen guryihii Qaranka ee Wasaaraddahoodu ay Milkiyada u lahaayeeen, xaqiiqdii Qasriyadaan la dhameeyay  waxey ka mid ahaan doonaan goobaha lagu faano ee  ku soo biirey Soomaaliya.

[youtube id=”yE0JZbkQXKQ” width=”600″ height=”350″]

  WASAARADDO QASHIN-QUB NOQDAY OO LOO BADALAY QASRIYO DAWLADEED 2WASAARADDO QASHIN-QUB NOQDAY OO LOO BADALAY QASRIYO DAWLADEED 4Madaxweyna May day 2016  1 WASAARADDO QASHIN-QUB NOQDAY OO LOO BADALAY QASRIYO DAWLADEED 3WASAARADDO QASHIN-QUB NOQDAY OO LOO BADALAY QASRIYO DAWLADEED 5    WASAARADDO QASHIN-QUB NOQDAY OO LOO BADALAY QASRIYO DAWLADEED 9 WASAARADDO QASHIN-QUB NOQDAY OO LOO BADALAY QASRIYO DAWLADEED 10 WASAARADDO QASHIN-QUB NOQDAY OO LOO BADALAY QASRIYO DAWLADEED 11 WASAARADDO QASHIN-QUB NOQDAY OO LOO BADALAY QASRIYO DAWLADEED 12DG of Minister of labour and Social Affairs 4DG of Minister of labour and Social Affairs 3WASAARADDO QASHIN-QUB NOQDAY OO LOO BADALAY QASRIYO DAWLADEED 1

Waxaaa Qorey C/llaahi Xasan Shiiqaaloow

Email:–shiiqaaloow114@hotmail.com

Sawirada waxaa qaadey:-C/rashiid Xeydar.