SANAD GUURADDA 27 EE URURKA MIDAWGA INDHOOLAYAASHA SOOMAALIYEED.

       SANAD GUURADDA  27AAD EE URURKA MIDAWGA INDHOOLAYAASHA SOOMAALIYEED.

 

Xuska munaasabada 27 guurada Ururka midowga Indhooleyaasha Soomaaliyeed oo lagu qabtay  Hotel Xayaat,  ayaa waxaa ka soo qayb galay madax kala duwan oo ka kala yimid hay’daha kala duwan ee taakuleeya naafada Soomaaliyeed sida hay’aydda SWCD  iyo mas’uuliyiin ka socotay Jaamacada Balaasma, waxaana shirkaas soo qaban qaabiyey Wasaaradda Shaqada & Arrimaha Bulshada.

 

Waxaa shirkaas furay isga oo wakiil ka ah Wasiirka Wasaaradda Shaqada & Arrimaha Bulshada  Mudane: Aweys Sheekh Xadaad oo ah Agaasimaha Wasaaradda wuxuuna  ka  hadlay duruufta dhabta ah ee ka jirta dalka saamayn weyna  ku yelatay Nolosha dadka naafada ah ee Soomaaliyed ee ku nool dalka gudihiisa, waxuuna sheegay in ay u gurmadaan hay’adaha dowliga ah iyo kuwa aan dowliga ahayn ee ka howlgala dalka gudihiisa.

Indhoole 2

Waxaa sidoo kale hadalo kooban kasoo jeediyey halkaas Agaasimaha Waaxda naafada ee Wasaaradda Mudane: Shariif  Aadan Maxamed waxuuna kayiri halkaas: “in dadka naafada ah ee Soomaaliyeed sida ugu suurta galsan wax loogu qabto.”

Waxaa kaloo halkaas hadal ka soo jeediyey gudoomiyaha Ururka Midowga Naafada Soomaaliyeed: Mudane Cali C/Laahi Salaad waxaana hadaladiisa ka mid ahaa “in indhoolayaasha ay yihiin dad aad u wanaagsan aqoona leh balse ay u baahan yihiin kaalmo dhinac walba leh sida: inay helaan waxbarasho, caafimaad, shaqo abuuris iyo wixii la hal maala.”

Waxaa hadalkii qaatay Marwo Zahra oo ku hadlaysay magaca ururka swcd waxayna u balanqaaday naafada Soomaaliyeed inay  ka codsan doonto dowlada iyo hay’adaha samafalka in loo abuuro fursado shaqo oo kala duwan.

Sidoo kale waxaa halkaas ka hadlay mudane: Xassan Yare oo ka socday Jaamacada Balaasma  gudoonsiiyeyna hadiyad ka kooban 10 ulaha indhoole yaasha ay isticmaalaan wuxuuna sheegay inaysan hadiyadaani  ahayn mid intaan ku ekeen balse ay kuwo kale jiri doonaan.

Ugu dambeyntii waxaa soo gunaanaday xafladaasi  Agaasimaha guud ee Wasaaradda  Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, wuxuuna ugu hambalyeeyay guud ahaan naafada Soomaaliyeed gaar ahaan Indhoole yaasha inay ku gaaraan sanadkaan sanadkiisa cimri dheer   cibaado suuban Iyo caafimaad.

Indhoole 1 Indhoole 12 Indhoole 11 Indhoole 10 Indhoole 9 Indhoole 8 Indhoole 7 Indhoole 6 Indhoole 5 Indhoole 4 Indhoole 3 Indhoole 2