Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo  Shirkii ugu horeeyay la qaatay mas’uuliyiinta Wasaaradda  

Shirkii ka dhacay Xarunta Tababarada Shaqaalaha ee Wasaaradda  Shaqada ee uu ka qeyb-galay Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdiwali Ibraahim Muudey  waxaa soo qaban qaabiyey masuuliyiinta Wasaaradda, waxaana Shirka sidoo kale ka qeyb-galay guud ahaan Shaqaalaha Wasaaradda  sida Agaasimaha Guud , Agaasimayaasha Waaxyada iyo  Madax qeybeedyada  Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

 

Shirka oo ahaa mid aad u dheer ayaa inta uu socday waxaa la isku soo qaaday arimmo ay ka mid yihiin Qorshe Howleedka Wasaaradda oo 50 qodob lagu soo koobay sanadka 2015–2016,  Isbarasho Wasiirka iyo Shaqaalaha Wasaaradda, soo jeedin war bixinno marxaladda Shaqada iyo Shaqaalaha Dowlada ay ku shaqeyaan iyo howlo kale.

 

Shirka ayaa sidoo kale waxaa ka hadlay   mas’uuliyiinta kala ah; Agaasimaha Guud Mudane Aweys Sheekh Xaddaad,  La-taliyayaasha iyo Agaasimayaasha  waaxyaha   Shaqada,  Maamulka iyo Maaliyadda Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

 

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada  Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdiwali Ibraahim Muudey, ayaa ugu mahadceliyay dhammaan shaqaalaha ka soo qeyb galka Shirka  in uu yahay  mid muhiim u ah shaqaalaha , isla markaana uu war-bixino ka siiyey dhinacyo badan oo ay ka mid yihiin sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta  Shaqaalaha Dowladda.

 

“Waxaa alle mahadii ah inaan maanta yeelanay kulankii ugu horreeyey  kadib markii aad warbixindheer iga siiseen howlaha aad u qabateen  Wasaaradda  waxaana balan qaadayaa wax kasta oo ay Wasaaraddan laheyd in aan ku soo celiyo siday ahaan jirtay  hadii ay jiraan dhanka sare iyo dhanka hoose  waa laga soo celinayaa cidda heysato waxaana ku celinayaa gacmaha Ma’uuliyiinta Wasaaradda Shaqada”  ayuu yiri Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

 

Sidoo kale Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.  ayaa kula dardaarmay Agaasimayaasha waaxyaha in ay dar dar geliyaan howlaha loo idmaday uuna jiri doona la xisaabtan  Waaxyaha iyo Shaqaalaha Wasaaradda.

 

Ugu dambeyntii Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa hor-yaalla howlo badan oo ay ka mid yihiin; horumarinta Shaqaalaha Dowladda, Shaqaalaha gaarka ah  iyo horumarinta  Arrimaha Bulshada oo ay u xil saaran tahay Wasaaraddan.

shirkii 10

Qorshaha 2015-2016

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada

Qorshaha Shaqada iyo Shaqaalaha

 1)    Wasaaradda  waxaa u Qorsheysan in la Abuuro Sanadkan 2015 Fursado shaqo Si looga Maarmo in Niyad jab uu ku dhaco Noloshoodana loo Maareeyo Dhalin yarada Soomaaliyeed ee wax ku barata Gudaha iyo Dibadda.

2)    Wasaaradda Waxaa u Qorsheysan in Horumarin iyo Tayeenba lagu Sameeyo Shaqaalaha Dawlada u Shaqeeya iyo Kuwa Hay,adaha gaarka loo Leeyahay.

3)    Wasaaradda Waxaa u Qorsheyan in ay Hesho ayna Qoroto La Taliyayaal Xagga Arrimaha Shaqada iyo Sahqaalaha Gacan ka Geesta.

4)   Waxaa dib uhabeyn iyo Turxaan Bixin lagu Sameynayaa Sanadkan 2015 Shaqaalaha Dawlada oo dhan.

5)    Wasaaradda Waxaa u Qorsheysan In La Sameeeyo Guddiga Qiimeynta Iyo Hubinta Shahaadooyinka Kala Duwan Ee Jaamacadaha, Dugsiyada Sare I.W.L.

6)    Wasaaradda Waxaa U Qorsheysan in La Dhiso Guddiga Qiimeynta Xirfad layaasha Qaranka.

7)    In la qoro Sharciga Hawl Gabka iyo Xaq siinta Soomaaliyeed.

8)    Xoojinta Howlaha Rukhsad Shaqo siinta Shaqaalaha Ajaanibta dalka ku sugan.

9)    In Dib Uhabeyn Lagu sameyo Sharciga Gudiga  Shaqaalaha Rayidka ah ay Ku Shaqeeyaan.

10) Waxaa qorshaysan in la dhiso xafiiska ka hortaga iyo wacyi galinta caruurta lagu shaqaysto ee da,doodu ka yartahay 18 sano.

11) Waxaa qorshaysan in la howl galiyo xafiiska qiimaynta dhaqdhaqaaqa suuqa shaqada.

12) Kormeerka Goobaha Shaqo ee Dowlada iyo Kuwa Gaarka. (O.S.H)

13) Xakameynta  Xowliga  ay ku socoto qorista Shaqaalaha Cusub ee Dowladda.

14) la shaqeynta Hay’adaha sida World Bank/ UNDP / DWCP/ Qatar project Mashruuc Shaqo

15) Qabanqaabada Munaasabada Xuska maalinta Shaqaalaha Aduunka ee 1da  May 2015.

16) ka qeyb galka shirka caalamiga ah ee ILO sanad walba ee dalka Geneva General meeting

17)  Waxaan sameeyn doonaa TVET Training 5-6 tababar si markaasi dhalinyaro badan u helaan xirfado ay ku shaqeeystaan.

18)  Waxaa lataba barayaa dhamman Shaqaalaha Dowladda oo ka kooban 25 Wasaaradood, Xafiiska Ra’sul Wasaaraha iyo Madaxtooyada

19) Waxaa loo kala saarayaa loona kala hormarinayaa hadba sida ay u kala baahi badanyihiin xagga tababarada.

20) Sidoo kale waxaa loo kala saarayaa garaadada heerarka kala duwan ee xilalka tusaale, Agaasimayaal guud, Maareeyayaal, Agaasimayaal waaxeed, Madax qeybeedyo, Xoghayno, Arkifiya I W M, Xog buuxda ayaana laga sameeeyay oo assesmentigii wasaaradda ayaa sameeysay oo soo dhammeystirtay.

21) Waxaa  xog rasmi ah laga soo ururinayaa shaqaalaha gaarka  loo leeyahay    {private sectors } iyo tirakoob intaba, Si loo ogaado xaaladdooda nololeed iyo tababar maadaama wasaaraddaan ay u xil saran tahay, waxaana lagama maarmaan ah in la ilaaliyo Xuquuq dooda, Noloshooda, iyo tababar- siintooda intaba

22) Waxaan  Qorshaha  inoogu jira inlasameeyo muhiimdana lasaaro  TOT Training si looga gudbo in ajnabi kaliya ay shaqaalaheena taba baraan, Mustaqbalkana loo helo Macallimiin Soomaaliyeed oo kufilan tababarista shaqaalaha.

23) Qalabeynta Xarunta Tababarka Shaqaalaha Cusub ee Dowladda

24)  Wasaaradda Waxay  diyaarineysaa in ay ku shaqeyso Nidaamka Macluumaadka Maaraynta cusub ee Maaliyadda Soomaaliyeed oo computerized ka ah, kaas  oo ay keentay Wasaaradda Maaliyadda si loo fududeeyo howlaha maaliyadda Dowladda.

25)Waxaa Wasaaradda u qorsheysan in ay dib u dhis ku sameyso una  guurto Xarunteedii hore ay u lahaan jirtay Wasaaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

Qorshaha Arrimaha Bulshada

26) U ololeen Soo celinta xarumihii hore ee Nafadda ( Dhulka ay la haayeen)

27) Dib u  dhis  iyo Dayactir in lagu sameeyo  xaruumihii ay Naafadu lahaan jireen.

28) Gudbinta iyo meelmarinta Siyaasadda lagu hagi lahaa Naafada Soomaaliyeed.

29) In hay’ad kasta ee Dowladda laga shaqaaley siiyo min 5 qof oo Naafo ah

30) Usameynta Dhaqan celin jireed iyo mid maskaxeed.

31) Xaqiijinta Xuquuqda Naafada Soomaaliyeed.

32) Wacyi gelinta isku kalsoonaanta qofka Naafada ah.

33) In looga faa’iideeyo awooda jirkiisa inta baaqiga  ku ah.

34) Hay’adaha samafalka looga raadiyo kaalmo Naafada.

35) Qalab u helida Naafada kala duwan.

36) Quudinta kuwa awoodooda liidata.

37) Ujiheynta Koorsooyinta tababarada  dadka Naafada ah.

38) Shahaado  siin dhamaadka tababarada ay qaateen Naafada.

39) Qabanqaabada Munaasabada Xuska maalinta Naadafa Aduunka ee 3da   Dec 2015.

40)Dejinta Siyaasadda Ururada aan Dowliga aheyn ee khuseeya arrimaha bulshada(NGOs).

41)Tirakoobka Xarumaha Agoonta .

42) Tirakoobka Agoonta.

43) Tirakoobka Caruurta jidadka.

44) Tirakoobka dadka da’da ah.

45)Raadinta miisaniyadda lagu socodsiinlahaa hawlaha Machadka  Nafadda

46)Xirfad iyo shaqo u abuurista Naafadda guud ee Qaranka Soomaaliyeed iyo kuwii dagaaladii sukeeyey kunaafoobay.

47) In la siiyo siminaaro Naafadda si loo wacyigeliyo loona kordhiyo Aqoontooda , si ay ula qabsadaan Bulshada ay la noolyihiin.

48)In la diiwaangeliyo Naafada kutiirsan Machadka Dhaqancelinta iyo Daryeelka Naafada.

49) Daaweynta Dadkanaafada in loo helo xarun Caafimaad oo u gaar ah Naafada si loo gu daaweyo.

50)U doodida Xuquuqda Naafada,  sidii loo helilahaa meelo ay maran dadka Naafada gaar ahaan  dhismooyinka gaarka ah, Xarumaha Dowladda IWM loona sameeyo jaran-jaro u gaar ah Naafada si ay ugu fududaato korista meesha xafiisyada ay danaha ka leeyihiiin.

 

shirkii 9 shirkii 8 shirkii 7 shirkii 6 shirkii 5 shirkii 4 shirkii 3 shirkii 2 shirkii 1