Qabiir loo soo magacaabay Barnaamijka kor u Qaadista Tayada Shaqaalaha Dowlada (Capacity Development Injection) oo booqasho ku yimid Xarunta Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada

Qabiir loo soo magacaabay Barnaamijka kor u Qaadista Tayada Shaqaalaha Dowlada (Capacity Development Injection) oo booqasho ku yimid Xarunta Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada

Kulan ay wada yeesheen Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Dr. Aweys Sh. Xaddad, Agaasimayasha waaxyaha iyo wefdi kasocday World Bank oo uu  horkacayey  Mr. Mc-namara ayaa lagu qabtay xatunta Dhexe ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

Kulankaasi oo ahaa kii ugu horreeyey ee uu laqaato Qabiir uu soo magacaabay Banka Aduunka  Mr. Mc-namara ayaa madaxda Wassaaradda Shaqadda iyo Arrimaha Bulshada iyo Wasaarado kale loogu soo diray si uu ugala shaqeeyo Barnaamijka kor u Qaadista Tayada Shaqaalaha Dowlada (Capacity Development Injection).

mc Namara 1

Waxaana si qoto dheer looga hadlay arrimo ku saabsan tayeynta shaqaalaha Dowaldda (Capacity Development Injection) sidii loogu samayn lahaa marka hore qaab la isku raacsan yahay oo u dhaxeeya W.B. iyo Wasaaradda Shaqada,kadibna loogu baahin lahaa Wasaaradaha kale ee xukuumada federaalka Soomaaliya.

Dhinaca World Bank qabiirka  ka socdey  ee soo gaarey xafiiska wasaradda ayaa ka sheekeeyay khibradda uu u leeyahay howlaha HR-ka, taasi oo uu waddamo badan kaga soo shaqeeyay oo ay ugu dambeysay dalka Afgaanistaan, haatana loo soo magacaabey  Soomaaliya oo uu  kala shaqeyn doono dhanka  World Bank arrimaha shaqada iyo shaqaalaha (Capacity Development Injection).

Sidoo kale wuxuu sheegay in uu ubaahanyahay khuburo Soomaaliyeed oo kala shaqeysa howshaan loo soo idmaday, “waxaa i soo gaartay laba boqol iyo sagaashan codsi (290 application ) oo ay soo codsadeen aqoonyahano Soomaaliyeed oo doonayo in ay WB. Kala Shaqeeyaan Barnaamijkan, waxaan idinka doonayaa ka Wasaarad ahaan in aad wax igala qabataan  kala xulashadooda” Sidaana waxaa yiri Mr. Mc-namara.

mc Namara 2

 Agaasimaha Guud Aweys Sheekh Xadaad ayaa ugu mahad celiyay Booqashada iyo war bixinta guud ee uu siiyey madaxda Wasaaradda iyo qibradda uu uleeyahay howlaha ay Banka Aduunka usoo dirsadeen in uu kafuliyo dalka Soomaaliya.

Agaasime Xadaad ayaa ka codsadey Qabiirka W.B in uu howshiisa ka bilaabo dib u habeenta sharciyadda shaqaalaha oo soo baxay 1960 ilaa 2006 kuwaaas oo kala ah Sharciga Shaqaalaha L10,L11,L12. In ay noqoto howsha ugu horreeysa uu qabanayo sameynta sharciyadaan.

Sharciga L10, ayaa ah midka ay ku shaqeyaan Guddiga Qaranka Shaqaalaha Rayidka ee Dowladda, sharcigaas oo ah mid kumeel gaar ah 2006 Baydhaba lagu qoray.

Sidaas oo kale Sharciga Naafada Qaranka Soomaaliyeed ayaa ka mid sharuucda ay dooneyso in gacan laga siiyo Wasaaradda shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

Agaasimaha ayaa tusay Buugga Sharciga Shaqaalah L11, dhowr  sadarna uga aqriyey Qabiirka, Agaasimaha ayaa tusaalle usoo qaatay  xuquuqda shaqaalaha, waxuuna u sheegay  arrimaha data base in ay gacanta ku hayaan Gudiga Shaqalah Rayidka, wuxuuna wax ka sheegay qaabka qaadashada mushaarka shaqaalaha qaar aan soo xaadirin goobtooda shaqo, taasina ay ku hayso wal wal sidii loola xisaabtami lahaa shaqaalahaasi sida tooska ah u imaaneyni ayaga oo si toos ah lacagaha ka qaata Banka Dhexe ee Soomaaliya.

Agaasimaha guud ayaa ka hadlay qaabka darajada shaqaalaha “qofka jaamiciga ah ee cusub iyo jaamiciyiintii hore usoo qalin jabisay shaqaale soo ahaa mudo dheer  waa isku mushaar taasina waxay u baahan tahay farsamo sharciyeeysan” ayuu yiri Ag. Xadad.

Agaasimaha guud ayaa sheegey in uu heli karo siyaasad ay kuwada shaqeyn karaan Wasaaradda iyo World bank. “Soomaaliya Afgaanistaan maahan, Soomaaliya dadkeeda waa dad qibrad leh” sidaana waxaa yiri Agaasime Xadad.

mc Namara 5

Mr. Mc-Namara  ayaa soo dhaweeyay soo jeedinta iyo warbixinta Agaasimaha guud wuxuuna codsadey in lagala shaqeeyo sharciyada loona soo gudbiyo sharciyadaha shaqaalaha oo qoran hadii ay jiraan kuwa ku qoran English ama Soomaali, wuxuuna yiri “waxaan wataa siyaasad aan rabbo in aan  ku guddo galo howlahaan taas oo ay ugu horreeyso  in aan siyaasad wada shaqeyn u helo Wassaradda iyo Guddiga Shaqaalaha Rayidka” .

Mr. Mc-Namara  ayaa sheegey in uu lasoo kulmay mas’uuliyiin ka tirsan  Xafiiska Ra’isul Wasaaraha ayna ka wada hadleen waxyaabo aad muhiim u ah howlaha uu ka qabanaya dalka  Soomaaliya, waxuuna  ka soo qaaday  Dukumiinti aad u faro badan kuwaas uu u kala saari doono waxii muhiim ah iyo waxii aan muhiim ahayn  asagoo mar walba tusaalle usoo qaadanayay wadamada uu ka soo shaqeeyay.

Mr. Mc-Namara  ayaa yiri aad ayaan ugu xumahay nidaamka mushaar qaadashada shaqaalaha qaarkood oo howshooda gudaneynin, waxay noqoneysaa in wax ka badal lagu sameeyo, “tirada shaqaalaha Dowlada Soomaaliya waxaa lagu sheegaa in ay yihin (4000 ilaa 5000) taasna waan xalineynaa, bal  hadii ay shaqaalahiinu ay gaari lahaayean hal million waan xalin lahayn ee wasaaradaha soo malahan buugga xaadirinta oo ah soo galid iyo bixid.

Gaba gabadii

Gaba gabadii Mr. Mc-Namara  ayaa u mahad celiyey mas’uuliyiinta Wasaaradda “waxaana ogaaday in ay muhiim tahay dib u sameyta sharciyada L10,L11,L12. ee lagu hagi lahaa Shaqaalaha Soomaaliyeed.

Agaasima Xadaad iyo Mr. Mc-Namara ayaa ku balamey in ay kuwada kulmi doonaan dalka Kenya 16/3/2015 halkaasi ay ka sii amba qaadi doonaan wada hadalkooda ka bilawdey  Xarunta Dhexe ee Wasaaradda shaqada iyo Arrimaha Bulshada  Muqdiso Soomaaliya.

mc Namara 4jpg

 mc Namara 3

WD. Waaxda Xiriirka Guud iyo Isgaarsiinta

Wasaaradda shaqada iyo Arrimaha Bulshada .