Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada  oo u  furay tababar aqoon kororsi ku aadan Shirciga Shaqaalaha,  qaar ka mid ah Shaqaalaha Dowladda “SAWIRRO”

Wasiirka shaqada iyo Arrimaha bulshada ee xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdiweli Ibraahim  Sheekh Muudeey ayaa maanta siminaar lagu baranayo sharciga shaqaalah rayidka ee dowladda u furay qaar ka mid ah shaqaalaha Wasaaradda, kaasi oo lagu qabtay Muqdisho.

 

Tababarka oo socon doono muddo shan cisho ah, ayna ka qeyb galeen 30 ka tirsan shaqaalah Wasaaradda shaqada, ayaa lagu baranayaa  sharciga shaqaalaha rayidka ee Dawladda oo lambarkiisuyahay 11, soona baxay sanadkii 2006.

 

Agaasimaha Waaxda Tababarka ee Wasaaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshada Ismaaciil Macallin Cabdullahi ayaa sheegay in tababarkan looga gol’leeyahay in aqoonta shaqaalaha kor loo qaado, isla markaana ay noqdaan kuwa wax ka barta xeerka shaqaalaha rayidka.

 

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshada Mudane Aweys Sheekh Xadaad ayaa tilmaamay in marka qofka shaqaalaha ee Wasaaradda ka shaqeeya uu yaqaano sharciga Shaqaalaha uu wax bari karao Shaqaalaha  kale ee Dawladda, loogana baahanyahay inay ka faa’iideystaan muddada uu tababarka socdo.

 

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshada Mudane Cabdiweli Sheekh Muudeey oo furay tababarka ayaa kula dar daarmay shaqaalaha ka qeyb galaya siminaarka inay bartaan sharcigan, si ay u fahmaan waajibaadka iyo Xuquuqda Shaqaalaha Rayidka ee Dawladda.

 

“Qofka haddii uusan aqoon u lahayn shaqadiisa, waxbadan ayaa ka qaldamaya, mas’uuliyadda aad leedihiin ee idin saaran waa arrin muhiim ah, una baahan in aad xoogga saartaan sidii ay u tababari lahaydeen shaqaalaha kale ee Wasaaradaha dowladda, madaama aad tihiin dadka arrinta loogu imaan lahaa” ayuu yiri Wasiirka shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

tababar sharci 2 tababar sharci 3 tababar sharci 4 tababar sharci 5 tababar sharci 6 tababar sharci 7 tababar sharci 8 tababar sharci 9 tababar sharci 10