Munaasabad looga mahadcelinayo ka qeybqaatayaashii dib u dhiska Wasaaradda oo maanta ka qabsoontay xarunta Wasaaradda

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa u mahadcelisay dhammaan dhinacyadii ka qeybqaatay dib u dhiska xarunta Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo 25 bishii Febaraayo dib loo furay, kaddib weerarkii bishii Maarso ,2019 ee burburka xooggan gaarsiiyay dhismaha Wasaaradda.

Xaflad galinkii hore ee maanta ka qabsoontay xarunta Wasaaradda ayaa waxaa ka qeyb-galay , wasiirka wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Mudane Xildhibaan Sadiq Xirsi Warfa, agaasimayaasha waaxyaha wasaaradda, howl-wadeennada, madaxa hay’adda horumarinta Talyaaniga Dr. Guglielmo Giordano, madaxa hay’adda UNIDO,Ygor Scarcia iyo Xasan Axmed Xasan oo ka tirsan xafiiska Ra’iisul wasaaraha.

Ugu horrayn, Agaasimaha Waaxda Arrimaha Bulshada ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Fardowsa Axmed Cabdullaahi ayaa sheegtay in xarunta wasaaradda ay munaasabaddan ka qabsoomeyso, iyadoo wasaaradda ka mid tahay xarumaha dowladda ee xilligan ugu wanagsan, kaddib dib u dhiskii lagu sameeyay.

Madaxa hay’adda UNIDO,Ygor Scarcia ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsanyahay ka qeybgalkiisa xafladdan,iyadoo hay’adda UNIDO ay fulisay dhismaha xarunta wasaaradda oo ay la kaashatay dowladaha Talyaaniga iyo Sweden, wuxuu inta ku daray in muddada ay socotay dib u dhiska wasaaradda shaqo abuur iyo waxbarid in loogu sameeyay 150 dhallinyaro Soomaaliyeed ah.

Dr. Guglielmo Giordano, madaxa hay’adda horumarinta Talyaaniga ayaa dhankiisa sheegay in dowladda Talyaaniga ay ku taageerayso bulshada Soomaaliyeed dib u dhiska iyo horumarinta, tallaabada maanta loogu dabaal-deggayo dhismaha xarunata wasaaradana ay ka tusaallo kaceyso xiriirka labada dhinac.

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Sadiq Xirsi Warfa ayaa u mahadceliyay dhammaan ka qeybqaatayaashii dib u dhiska wasaaradda, isagoo markaa si gaar ah u carabaabay dowladda Talyaaniga, Sweden iyo hay’adda UNIDO.

“Maanta waxaan u joognaa inan u dabaal-degno dhismaha xarunteenna wasaaradda oo ka mid noqatay dhismayaasha ugu wanagsan ee hay’adaha dalka, arrintan dadaal badan ayaan galinay, maanta kaliya dhismahan kuma qanceyno halka waxaan la dooneyna shaqaalo awood badan iyo xafiisyo qalabeysan.” ayuu yiri wasiir Sadiq.

Gabagabadii, waxaa munaasabadda abaalmarino la guddoonsiiyay Dr. Giordano ,Ygor Scarcia , shirkadihii ka qeybqaatay dib u dhiska wasaaradda iyo howlwadeennada wasaaradda ee doorka muuqday ka qaatay dib u dhiska wasaaradda iyo xafladdii furitaanka ee 25 bishii Fabaarayo.