Farrinta Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada , Xildh. Sadiq Warfa maalinta caalamiga ah ee Haweenka 8 Maarso, 2020

Muqdisho, Maarso, 08, 2020 – Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Sadik Xirsi Warfa ayaa hambalyo u diray haweenka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan munaasabadda 8-da Maarso awgeed ee maalinta haween weynaha caalamka.

Wuxuu sheegay in haweenka Soomaaliyeed ay door wax ku ool ah ka soo qaateen horumarka dalka, iyagoo safka horey kaga jirey halgankii xornimadoonka, dib u heshiisiinta ummadda, nabadeynta, wax soo saarka iyo horumarka dhinacyadiisa kala duwan.

“Waan ogeyn markii uu dalka ka qarxay dagaal sokeeye,” ayuu yiri Mudane Warfa . “Haweenka Soomaaliyeed waa sida dayax buuxa, cidina gacantiisa ugama gabban karo dayax buuxa.”

“Wasaaraddeydu waxay soo badhigtay doorka hoggaamineed ee Haweenka is beddelkii u dambeeyay ee qaab- maamulka Wasaaradda ee Lixda Waax lagu soo koobay saddex ka mid ah waa Haween, “ ayuu ku daray wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

Hal-kudhigga sanadkan ee Maalinta Caalamiga ah ee Haweenka ayaa ah ‘Waxaan ahay Jiilka Sinaanta: Xaqiijinta Xuquuqda Haweenka.’

Maalinta Haweenka Adduunka waxaa loo ansixiyay in ay noqoto maalin rasmi ah ee Qaramada Midoobay sanadkii 1975.