Wasaaradda shaqada iyo Arrimaha Bulshada iyo ILO oo dhagax dhigay dhismo wado dherirkeedu yahay 3 Km gudaha Magaaladda jowhar.

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada iyo maamulka Hirshabeelle ayaa si wadajir ah u dhagax dhigay dhismaha wadada dhererkeedu yahay 3 km, oo laga hergelinayo magaaladda Jowhar, waxuuna kamid yahay mashruuca shaqo abuurka dhalinyaradda oo ay wadaan Wasaaradda shaqada iyo Arrimaha bulshada iyo ururka shaqaalaha caalamiga ah ee ( ILO).

Munasabada dhagax dhiga wadadaasi ayaa waxa kasoo qeyb galay madaxwayne ku xigeenka Hirshabelle Cali Cabdulahi Xuseen (cali guudlawe) iyo agaasimaha wasaaradda shaqada mudane Cabdirisaq Maclin Cilmi iyo mas’uuliyiin kasocotay hay’ada (ILO) si ay goob joog uga ahaadaan fulinta mashrucan laga bilaabayo caasimadda maamulka Hirshabelle ee magaaladda Jowhar.

Ugu horeyn waxaa ka hadlay munasabada dhagax dhigista Agaasimaha shaqada iyo shaqalaha mudane cabdirisaq maclin cilmi oo aad ugu dheeraday sharaxaada mashruucan iyo faa’idada uu u leeyahay bulshada gobalka shabeelada dhexe waxuuna yiri “waxaan ku faraxsanahay in uu ka hirgalo mashruucan shaqo abuurka ah gobalka shabeelaha dhexe waxuuna ahmiyad u leeyahay in ay ka faa’ideystaan dadka aan shaqada haysan, sidoo kale in ay ka faa’ideystaan Bulshada u isticmaaleyso adeegsiga gaadiidka oo ay wadadani wax weyn uga faa’iidi doonaan marka la dhiso, mashruucan ay isla wadaan wasaaradda shaqada iyo arimaha bulshada iyo hay’ada (ILO) waxaa uu ka socdaa dhammaan maamul gobaleeyada dalka, maantana waxaa nasiib u yeelanay in aan ka furno caasimada maamul gobaleedka Hirshabelle ee jawhar”.

Ugu dambeyntii waxaa ka hadlay madaxwayne ku xigeenka maamulka Hirshabelle oo ay ku sharfeen inuu furo mashruuca ay wadaan wasaradda shaqada iyo arrimaha bulshada iyo hay’ada (ILO) mudane Cali Cabdulahi Xussen waxuuna sheegay “furitaanka mashruucan oo faa’idada wayn u leh bulshada Hirshabelle aad ayaan usoo dhawaynayaa wana ku faraxsanahay, waxaana si gaar ah uga faa’ideysan doona mashruucan bulsho badan oo ku nool caasimada maamulka Hirshabelle ee jawhar taas oo faa’ido uleh marka hore dadka xoogsatada ah oo ay shaqo u noqoneyso, faaidada labbad waxay tahay in wadadaasi loga faa’ideysan doono maritanka ama isticmalka xilayada roobka oo dhib faro badan kala kulmijireen bulshada weynu soo dhawayneynaa dhammaan inta gacanta ka geysatay” sidana waxa yiri madaxwayna ku xigenka Maamulka Hirshabelle ahna ku simaha madaxwaynaha maamulkaasi

img-20161104-wa0024img-20161104-wa0009  img-20161104-wa0027 img-20161104-wa0032 yes-1 yes-2