Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo aqoon isweydaarsi ku saabsan hab dhaqanka shaqaalaha rayidka dowladda oo u furtay 50 Shaqaale ku sugan  magaalada Muqdisho

Wasaaradda shaqada  iyo arrimaha bulshada oo kaashaneysa  xafiiska ra’isulwasaaraha iyo bangiga aduunka ayaa waxaa u suura gashay in ay soo bandhigaan qabyo qoraalkii ugu horeeyay ee (code of conduct) hab dhaqanka shaqaalaha rayidka dowladda, kaas oo ay  diyaarintiisu ku jireen mudo sanad ah kadib  ay soo hordhigaan shaqaale laga soo xulay wasaaradaha dowladda federaalka Soomaaliyeed.

Furitaanka aqoon isweydaarsiga hab dhaqanka shaqaalaha waxaa ka soo qeyb galay mas’uuliyiin sare oo uu ka mid yahay xoghayaha joogtadda Wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada mudane Xasan Shariif Cusmaan iyo gudoomiyaha shaqaalaha rayidka dowlada mudane  Xasan Abshirow Maxamed iyo lataliyaha wasaaradda shaqada mudane Yuusuf Salaad Warsame. waxaana kulankaasi fududeyeyaal ka ahaa agaasimaha qorsheenta  wasaaradda shaqada mudane Salaad  Xuseen  Cabdulle, agaasimaha xiriirka guud iyo isgaarsiinta wasaaradda shaqada mudane C/rashiid C/laahi Xeydar iyo Mudane Cumar Cabdi oo kamid ah waaxda tayeynta shaqaalaha ee  CIM (Capacity injection)  .

Waxaa ugu horeyntii  kulanka aqoon isweydaarsiga  ka hadlay agaasimaha qorsheenta wasaarada shaqada Mr. Salaad wuxuna faah faahin dheeraad ah  ka bixiyay  ujeedada  qabyo qoraalka hab dhaqanka shaqaalaha rayidka wuxuna  yiri “qoraalkani waa qabyo qoraalkii ugu horeeyay oo aan usoo bandhigno shaqaale laga soo xulay wasaaradaha si ay ugu soo biiriyaan aragtidooda ku aadan wax kudarid iyo ka dhimid ku haboon  qabyo qoraalka hab dhaqanka shaqaalaha Soomaaliyeed ee (code of conduct).” sidaana waxaa yiri Agaasime Salaad.

Sidoo kale waxaa sharxaad ka bixiyey madaxa mashruuca (Capacity injection)  Cumar Cabdi oo wakiil uga  ahaa bangiga aduunka qabyo qoraalka ay ka soo diyaariyeen hab dhaqanka shaqaalaha wuxuuna yiri “buugani waa qabyo qoraal ka kooban shan cutub ama (5 chapters) oo ay  soo diyaariyeen  aqoonyahano aheyn Soomaali, balse waxaa nagala doonayaa si taxadir leh in aan isaga fiirino, wixii sax ah aan u deyno sidooda  wixii qaldan aynu  kasoo saarno hadii ay wax u dhimayaan  diinteena  iyo dhaqankeena  Soomaaliyeed ”.

Ugu dambeyntii waxaa ka hadlay xoghaya joogtada wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada mudane Xasan Shariif  Cusmaan wuxuuna sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay kasoo qeyb  galka kulankan aqoon isweydaarsiga ee kusaabsan hab dhaqanka shaqalaha rayidka ee dowlada wuxuna yiri “sababta aan isku kiin yeernay waxay tahay in si qota dheer aad uga doodaan qabyo qoraalkan oo ah mustaqbalka shaqaalaha Soomaaliyeed , waxana idanka rajeynayaa in aad ku biirisaan talooyinkiina  iyo fikradihii uu ku meel mari lahaa sharcigan hab dhaqanka shaqaalaha rayidka ee dowlada  Soomaaliyeed”.

Aqoon isweydaarsiga ayaa kusoo gabagabobay  wada hadal kooxeed (group discussion) oo ay isku raaceen kasoo qeyb galayaasha in qodobo dhowr ah wax ka badalid lagu sameeyo qabyo qoraalka  hab dhaqanka shaqaalaha rayidka dowlada Soomaaliyeed.

code-of-conduct-for-somalia-11 code-of-conduct-for-somalia-10 code-of-conduct-for-somalia-9 code-of-conduct-for-somalia-8 code-of-conduct-for-somalia-7 code-of-conduct-for-somalia-6 code-of-conduct-for-somalia-5 code-of-conduct-for-somalia-4 code-of-conduct-for-somalia-3 code-of-conduct-for-somalia-2 code-of-conduct-for-somalia-1 code-of-conduct-for-somalia-0