Wasiirka shaqada oo ka qeybgalay Kulan wadatashi ah oo loga hadlayay shaqo u abuurka Dhalinyaradda Soomaaliyeed

Kulankan wadatashiga oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Shaqada iyo arrimaha Bulshada ayaa waxaa loga hadlayey sidii dhallinyarada logu samayn lahaa Barnaamijyo shoqo logu abuurayo dhallinyaradda, si looga badbaadiyo halista ay u nugul yihiin sida tahriibka, isticmaalka Mandooriyaha iyo ku biiritaanka Kooxaha Nabad-diidka ah.

Kulanka ayaa kasoo qayb galeen Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha  Bulshada Mudane Cabdiwali Sheekh Muudey, Wasiiro ka socday Ismaamul goboledyada dalka ka dhisan , agaasimayaal Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  iyo mas’uuliyiin ka socday UNDP, waxaa ugu horayn hadal ka jeediyay  Agaasimaha Guud ee Wasaaradda shaqada iyo Arrimaha Bulshada Mudane Maxamed Cadde Mukhtaar wuxuna Sharaxad ka bixiyay Kulanka maanta.

Agaasimaha Guud ayaa sheegay in loga golleeyahay kulanka sidii dhalinyaradda shaqo abuur logu sameyn lahaa gaar ahaan 7 gobal maamuladooda in ay soo xushaan  mid hal  Degmo dhalinyaradda ku sugan iyo waxii shaqo loga dhigi lahaa ee ku haboon in shaqo abuur logu sameeyo  dhalinyaradda Soomaaliyeed.

shaqo abuur 0

Wasiirka shaqada iyo Arrimaha Bulshada Mudane Cabdiwali Sheekh Muudey  oo isna hadal ka jeediyay kulankaasi ayaa sheegay in kulankan uu yahay mid mas’uuliyiinta maamul goboleedyada  Fikrado loga aruurinayo, wuxuuna xusay in dhalinyaradda loga baahanyahay in la fahamsiiyo waxa uu yahay Shaqo Abuur.

Wasiirka ayaa carabka ku adkeeyay in Wasaaraddiisa ay xooga saareyso shaqo abuurka dhalinyarada isagoo carabka ku dhuftay in kabadan 30,000 shaqo loo abuuri doono  dhalinyarada Soomaaliyeed ay shaqo la’aanta  ku haysato  dalka.

Kulanka ayaa wuxuu imaanaya xili golaha wasiirada  qaar oo ka mid ah ay yihiin mas’uuliyiinta loo xil saaray  (steering  committee ) uu guddoomiye  uu ka yahay wasiirka shaqada iyo arrimaha Bulshada in la fahansiinta bulshada iyo maamul goboleedyada Barnaamijka   (New Deal  ee PSG 4)  heshiiska cusub, iyadoona lagu wado 29 .Seb.  2015  in shir ay iskugu imaanayaan golaha Wasiirada ee loo xil saaray horumarinta dhaqaalaha iyo  shaqo u abuurka Dhalinyadda Soomaaliyeed.

Kulankan ayaa qayb ka ah Barnaamijka hiigsiga Soomaaliya, gaar ahaan Tiirka Afraad,  waxaana  ka soo qayb galay Wakiilo ka kala socday Wasaaradaha  dawladda Federaalka Soomaaliya ,Maamul Goboleedyada Dalka iyo Wakiiladda qaar ka mida ah Ururrada Caalamiga ah sida UNDP iyo ILO Soomaaliya .

Jop Creation 5

shaqo abuur 01shaqo abuur 1shaqo abuur 2shaqo abuur 3shaqo abuur 4shaqo abuur 5shaqo abuur 6shaqo abuur 7shaqo abuur