Kulan Loga Hadlayay Wada Shaqeyn Dhex Marta Wasaaradda Shaqada  iyo Hay’adda SSG Oo Lagu Qabtay Muqdisho “Sawirro”  

Kulan balaaran oo loga hadlayey sidii ay u wada shaqeyn lahaayeen Wasaaradda Shaqada  iyo Hay’adda SSG , islamarkaana ay ka qeybgaleen mas’uuliyiinta ugu sareysa Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada   iyo Hay’adda Xoojinta Maamulka  Soomaaliya SSG ( Strengthening  Somalia  Governance)  ayaa  lagu qabtay Xarunta Dhexe ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada magaalada Muqdisho.

Kulankaan oo uu soo qaban qaabiyay Agaasimaha Guud ee Wasaarada Mudane Maxamed Cadde Mukhtaar ayaa waxaa ka qayb galay Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada  Xil. Cusman Libaax Ibraahim iyo Madaxa Qeybta SSG Mr. Bradley Baxter.

 kulanka  waxaa diiradda lagu saaray sidii ay wada shaqeyn buuxdo u dhex mari lahayd labada dhinac ee Wasaaradda Shaqada  iyo Hay’adda SSG dhanka horumarinta Shaqaalaha Wasaaradaha dalka.

Ugu horeyn kulanka waxaa ka hadlay Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada  Xil. Cusman Libaax Ibraahim oo sheegay in Hay’adda SSG looga fadhiyo sidii ay ula shaqeyn lahaayeen wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo wakiil ka ah dhammaan shaqaalaha Rayidka ee Dowlada Soomaaliya, isagoo xusay in shaqaalaha ay yihiin lafdhabarka xukuumada ayna xoogga saari doono sidii loo xaqiijin lahaa horumarinta iyo tababarada Shaqaalaha dowlda oo dhan .

Madaxa Qeybta SSG Mr. Bradley Baxter oo kulanka ka hadlay ayaa waxa ay balan qaadeen in Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada  ay gacan ku siin doonaan dhanka tayeynta iyo tababarada (capacity building) shaqaalaha dowlada ayga la tashi la yeelanayo mar walba mas’uuliyiinta sare ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada  Xil. Cusman Libaax Ibraahim  ayaa hoosta ka xariiqay  in ay lagama maarmaantahay in Wasaaradda Shaqada iyo hay’addaha ku howlan horumatinta shaqaalaha ay wada shaqeyn buuxdo dhex marto, isagoo talaabadaasi ku tilmaamay mid horseedi karto xoojinta iyo tayeynta sharaxaadda shaqada oo loo yaqaano (job description)  in laga hormariyo Shaqaalaha Soomaaliyeed.

Kulanka  ayaa ku soo dhamaaday jawi is fahan iyo Wada Shaqeyn Dhex Marta Wasaaradda Shaqada  iyo Hay’adda SSG.

Meeting SSG 0 Meeting SSG 1 Meeting SSG 2 Meeting SSG 3 Meeting SSG 4 Meeting SSG 5