WAFDI UU HOGGAAMINAYAY WASIIR KU XIGEENKA  WASAARADDA SHAQADA IYO ARRIMAHA BULSHADA OO  KA QAYBGALAY SHIRKA WASIIRADAHA SHAQADA AFRIKA.

 Shirka Wasiirada shaqada  ee Qaaradda   Afrika ayaa  waxaa loga hadlaayay sidii dadka  Afrikaanka ah loogu sameyn lahaa shaqo hufan oo dhinac walba ka hagaagsan (descent work programme).

Soomaaliya ayaa waxaa ugu qaybgalay wafdi uu hogaaminaayey wasiir ku xigeenka  wasaaradda shaqada iyo Arrimaha Bulshada Mudane Cusman Libax Ibrahim, waxaa ku wehliyay Agaasimaha Guud ee wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Mudane Maxamed Cadde Mukhtaar, Guddoomiyaha   iskutaga Ururrada shaqaalaha Mudane Maxamed Cusman Xaaji iyo loo shaqeeyayaasha Soomaaliyeed.

Osman Libah ILO Meeting 0

Wasiir ku xigeenka wasaaradda shaqada iyo Arrimaha  Bulshada Mudane Cusman Libax Ibrahim oo la hadlaay warbaahinta  ayaa sheegay in shirkan looga  hadlaay Arrimaha shaqada  iyo  shaqaalaha Afrikaanka sidii loo hagaajin lahaa.

Wasiir ku xigeenka ayaa sheegay “Shirka ayaa looga hadlaayay  wadamada bur buray iyo kuwa horumaray ee G 7 Ka labadoodaba sidii dhalinyarada Soomaaliyeed shaqoo loogu abuuri lahaa,  ILO na garab weyn ayey nagu siineysaa” sidaana waxaa yiri Wasiir ku xigeenka.

Shirka ayaa ahaa  kii sedex iyo tobanaad oo  Afartii sanoba  mar la qabto,  waana markii ugu horeysey ee ay Soomaaliya ka qaybgasho muddo ka badan labaatan sano.

ILO meeting addis ababa 9 ILO meeting addis ababa 8 ILO meeting addis ababa 5 ILO meeting addis ababa 4 ILO meeting addis ababa 3 ILO meeting addis ababa 2  Osman Libah ILO Meeting 4 Osman Libah ILO Meeting 3 Osman Libah ILO Meeting 2 Osman Libah ILO Meeting 1