Agaasimaha Guud  ee Wasaaradda Shaqada oo ugu   baaqay Ganacsatada iyo Ururada shaqaalaha inay ka qeyb qaataan dib u dhiska xarumaha danta guud

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo ku howlan dib u dhiska xarunta dhexe ee Wasaaradaasi ayaa ugu baaqday Ganacsatada iyo shaqaalahaba inay ka qeyb qaataan Mashruuca Dalkaaga Dhiso oo lagu dhisayo xarunta dhexe ee wasaarada Shaqada iyo Arrimaha Bulshada .

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Mudane   Maxamed  Cadde Mukhtaar  ayaa sheegay in bulshada Soomaaliyeed looga baahanyahay inay gacan ka geystaan xarumaha danta guud ee la dhisayo, isla markaana ka codsaday ururada Shaqaalaha iyo Ganacsatada in ay  xil iska saaraan dib u dhiska xarunta wasaarada Shaqada oo ka mid ah  mashruuca dalkaaga dhiso.

Dhismaha Xarunta  Was.Shaqada 7

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada  oo ay wehliyaan Agaasime waaxeedyada Wasaaradda Shaqada  ayaa ka gudoomay qalab dhismo  oo gaarayo 100 kiish Shamiito oo ay  Isutaga Urur Weynaha Shaqaalaha Soomaaliyeed  gacan kaga geysanayeen mashruuca dib u dhiska xarunta Wasaaradda Shaqada. Agaasimaha Guud ayaa yiri “marka waxaan rabaa in Ummadda Soomaaliyeed ay isku duubnaadaan oo ay ka qeyb qaataan dib u dhiska xarumaha danta guud, maadaama bulshada loogu adeegayo” ayuu yiri  Maxamed Cadde Mukhtaar  Agaasimaha Guud .

Guddoomiyaha Isutaga Urur Weynaha Shaqaalaha Soomaaliyeed Maxamed Cusmaan Xaaji ayaa sheegay in bulshada Soomaaliyeed looga baahanyahay inay gacan ka geystaan xarumaha danta guud ee la dhisayo, waxuuna yiri “deeqdan maanta aan  soo gaar siinay dhismaha xarunta   waa   shamiito mana noqon doonto tii inoogu dambeysay oo waxaa inoo qorsheysan in aan soo kordhino dibna  ugu soo celino qabal kale oo wax tar u leh dib u dhiska xarunta, taas oo ka imaaneyso Ururada ku mideysan Isutaga Urur Weynaha Shaqaalaha Soomaaliyeed” sidaana waxaa yiri  gudoomiye Maxamed Cusmaan Xaaji .

Guddoomiyaha Isutaga Urur Weynaha Shaqaalaha Soomaaliyeed oo baaq u diraya ganacsatada Soomaaliyeed  iyo inta wax heysata ayaa yiri “Shaqaalaaha shirkadaha ganacsiga ku leh dalka haddii ay min hal doolar iska uruuriyaan wax badan ayay qaban kartaa, marka waxaan dhiiri gelinayaa in bulshada ay u istaagto sidii ay isu gurman lahaayeen, kana qeyb qaadan lahaayeen dib u dhiska xarumaha shacabka loogu adeegayo ee danta guud ah”

Xarunta Wasaaradda Shaqada oo ku taala degmada Shangaani ayaa saameyn ku yeeshay bur burkii dalka, iyadoo muddo badan ay deganaayeen dad shacab ah, kuwaasi oo dhawaan laga raray markii dowladdu ay u baahatay in loogu adeego bulshada Soomaaliyeed.

Dhismaha Xarunta  Was.Shaqada 0 Dhismaha Xarunta  Was.Shaqada 1 Dhismaha Xarunta  Was.Shaqada 2 Dhismaha Xarunta  Was.Shaqada 3 Dhismaha Xarunta  Was.Shaqada 4 Dhismaha Xarunta  Was.Shaqada 5 Dhismaha Xarunta  Was.Shaqada 6  Dhismaha Xarunta  Was.Shaqada 8 Dhismaha Xarunta  Was.Shaqada 9