Wasiirka Shaqada iyo arrimaha Bulshada oo ka war bixiyay shirar uu dalka Masar uga soo qeyb galay

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Muuddeey ayaa maanta dib ugu soo laabtay dalka, kadib markii uu magaalada Sharma Sheekh ee dalka Masar uga qeyb galay shirka Wasiirada Shaqada iyo arrimaha Bulshada ee Jaamacadda Carabta.

Wasiirka Shaqada iyo arrimaha Bulshada ayaa markii uu soo gaaray garoonka Aadan Cadde waxaa halkaasi ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda iyo xubno kale.

Mudane Cabdiweli Sheekh Muuddeey oo Warbaahinta kula hadlay garoonka ayaa sheegay in shirka uu yahay mid sanadle ah, isla markaana diiradda lagu saaray dhanka arrimaha bulshada iyo waxyaabaha u qabsoomay wadamada Jaamacadda Carabta, waxaana uu intaa ku daray inay la hortegeen qorsheyaal ku aadan waxyaabaha ay Wasaaraddu soo diyaarisay.

“Shirkii 35aad ee Wasiirada shaqada iyo arrimaha bulshada ayaan ka qeyb galay, waxaana la magacaabay guddi fulin oo ka kooban todobo dowladood oo ay Soomaaliya ku jirta, waana guul u soo hooyatay in Guddiga Fulinta ee Jaamacadda Carabta ee la magacaabay in aan xubin ka noqo” ayuu yiri Wasiirka.

Wasiir Muudey  Masar 0 Wasiir Muudey  Masar 1 Wasiir Muudey  Masar 2

 WARBIXIN WASAARADA SHAQADA IYO ARRIMAHA BULSHADA .

Kalfadhigii 35aad ee Wasaaradaha Arrimaha Bulshadda ee Wadamada Jaamacada Carabta oo ka dhacay Magaalada Sharma-Sheikh ee Dalka Masar 13-16 Decembar,2015

Mudaneyaal waxaa Sharaf weyn ii ah inaan idiin soo gudbiyo isla markaana sharaxaad kooban idinka siiyo Safarkii Dhowaan aanu ku tagnay Magaalada Sharma-Sheikh ee Dalka Masar.

waxaan si rasmi ah uga qeyb galnay Kalfadhigii 35aad ee Wasaaradaha Arrimaha Bulshadda ee wadamada Ururka Jaamacada Carabta kaa soo ka dhacay Magaalada Sharma-Sheikh ee Dalka Masar 13-16 Decembar,2015.

Shirkaas waxaa ka soo qeyb galay wufuud Dowli ah oo heer Wasiir ah oo ka kala socotay Wadamada Ururka Jaamacada Carabta oo ay Soomaaliya Xubin ka tahay. Waxaa halkaas lagu dhisay Golaha Fulinta ee Wasaaradaha Arrimaha Bulshada ee Wadamada Carabta taasoo ay Soomaaliya ka noqotay Xubin Buuxda,Golaha Fulinta wuxuu ka kooban yahay Wadamada  kala ah :

1- Masar 2- Suudaan 3 –Soomaaliya  4- Qadar 5-Ciraaq  6- Cumaan  7-Falastiin

Waxaa Gudiga Fulinta Madax ka ah:

A-      Dalka Masar Gudoomiye

B-       Suudaan Gudoomiye Ku xigeen

Golahaas  Fulinta ee Wadamada aan soo sheegnay  waxay xilka hayn doonaan  Labada Sanno ee soo socota.

Shirkaas oo looga hadlay Arrimo Fara badan oo Quseeya Bulshada Carbeed sida In la Horumariyo Wadamada Ururka Jaamacada Carabta. Arrimahii la isla soo qaaday waxaa ka mid ah  In la sameeyo Mashaariic Horumarineed oo lagu  dhimayo  laguna

yareynayo Faqriga iyo  In la caawiyo lana Daryeelo Dadka Naafada ah islamarkaana ay helaan Tacliin,Caafimaad Tababaro,Shaqo iyo iney door ku yeeshaan Siyaasada Wadamada Carbeed.  In la sameeyo Shuruuc Dastuuri ah  oo wax loogu qabanayo Dadka Naafada ah,iyo in ay iyo Warbaahinta Wadamada Carbeed ay ka muuqdaan  laguna soo qaato Barnaamijyo ka hadlaya Waxtarka iyo Horumarka Dadka Naafada ah. Waxaa kale oo lagu heshiiyay  in la sameeyo ama la dhiso Guddi wadajir ah oo ka kooban Wasaaradaha Arrimaha Bulshada ee Wadamada Carabta oo ka shaqeeya Daryeelka Naafada iyo Dhimista Faqriga.

Sidoo kale waxaa la isla soo qaaday in kaalin buuxda la siiyo Shirkadaha Gaarka loo leeyahay Private Sectors, iyo Bulshada Rayidka inay kaqayb qaataan Horumarka Dalalk iyagoo dhawraya shuruucda wadamadooda

Ka dibna waxaan si gaar gaar ah ula kulany Madax heer Wasiir ah oo ka kala socotay Wadamada Ururka Jaamacada Carabta iyadoo ay ka wada hadleen sii xoojinta Cilaaqadaadka u dhexeeya Soomaaliya iyo Wadamada Carabta iyo sare u qaadida Iskaashiga Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Wadamada Carabta.

Waxaa kale oo lagu Heshiiyay in Sanduuqa Ururka  Jaamacada Carabta ee u qaabilsan Arrimaha Bulshada in uu Bixiyo lacag Mucaawino ah oo Dhan 100,000 oo US Dollar taasoo loogu tala galay Horumarinta Mashaariicda Wasaarada Shaqada iyo Arrimaha Bulshada. Waxaa kale oo la kulanay Hay’ado ka tirsan Ururka Jaamacada Carabta :

Qaybta Jaamacada Carabta u qaabishan:

–          Arrimaha Bulshada

–          Africka iyo Soomaaliya

–          Arimaha Horumarinta Maamulka

waxayna isla soo qaadeen sii xoojinta Iskaashiga iyo Horumarinta Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Wadamada Carabta iyo Soomaaliya.

Sidaas awgeed waxaan talo ku bixinayaa in loo diyaar garoobo dardargelinta Howlaha Wasaarada Shaqada iyo Arrimaha Bulshada waxaana muhiim ah in la xoojiyo lana diyaariyo Mashaariic lagu Hormarinayo Dadka Naafada ah iyo waxqabadkooda.

Waxaan kale oo soo jeedinayaa maadaama ay na hortaalo in wax loo qabto dadka Naafada Soomaaliyeed oo uu ka muuqdo dayac badan in loo furo Xarumo lagu Daryeelo Dadka Naafada ah laguna siiyo Tababaro Xirfadeed xuquuqdoodana sare loo qaado si ay uga qeyb qaataan Fursadaha Shaqo ee Dalka.

Waxaan kale oo Muhiim ah in la daryeelo Caafimaadka iyo Nolosha Dadka Naafada ah Fursado Shaqo iyadana laga siiyo Dhamaan Wasaaaradaha iyo Hay’adaha kale ee la xiriira.

Guulaha aan gaarnay

1-       Waxaa noo suura gashay in aan si buuxda ugu sharaxno baahida Soomaaliya Maamulka jaamacada carabta iyo Wufuudii aan sida gaar gaarka ah ula kulanay iyagoo noo muujiyey inay diyaar u yihii iskaashi hase yeeshe waxay nagubooriyeen :

A.  inay Soomaaliya si buuxda uga soo qayb gasho Shirarka Jaamacada Carabta

B. inaan Dabagal kusamayno si firfircoon arimaha soomaaliya karabto JaamacadaCarabta

2- waxaan ku guulaysanay in soomaaliya ka mid noqoto Gudiga Fullinta ee Jaamacadda Carabta 2sanee soo socota waa inaan sifiican uga faa iidaysano Fursadaha jaamacada Carabta iyo inaan kaalin firfircoon kaadanaa shaqada Jaamaca Carabta

3-      Waxaa kale oo lagu Heshiiyay in Sanduuqa Ururka  Jaamacada Carabta ee u qaabilsan Arrimaha Bulshada in uu Bixiyo lacag Mucaawino ah oo Dhan 100,000 oo US Dollar taasoo loogu tala galay Horumarinta Mashaariicda Wasaarada Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

 

Tala soo jeedin

Waxaan soo jeedinhayaa maadaama aan kamidnoqonay Gudiga fulinta ee jaamacada Carabta inaan si firfircoon uga qaybqaadano Hawlaha iyo shiraka Jaamacada carabta si gaar ah Mudada 2da sano ah een ku jirno Gudiga fulinta

Maxaayeelay Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa dhari ninkii u dhaw ayaa dheeftisa leh

2- Xoojinta xiriirka Jaamcada carabta guud ahaan

3-In laxoojiyo Safaaradeena Qaahira si ay ugudato waa jibaadkeeda qaran

Mahadsanidiin

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada