Kulan ay maanta Muqdisho ku yeesheen Agaasimeyaasha guud ee Wasaaradaha

 Waxaa Maanta Magaalada Muqdisho shir ku yeeshay Agaasimeyaasha guud ee Wasaaradaha Dowlada FD Soomaaliya.

Shirka maanta waxaa looga hadlayay habka ugu haboon ee agaasimayaashu u wada shaqeyn karaan dhexdooda taasoo wax soo kordhin karta.

Shirka nuucaani ah waxaa soo qaban qaabiyay si wadajir ah  Wasaaradda shaqada iyo  Arrimaha Bulshada iyo wasaaradda Arrimaha Dibadda.

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo ah   Hormuudka  Wasaaradaha ayaa Maanta isugu Yeertey Shir Agaasimayaasha Guud ee Wasaradaha Xukumada Fedaralka, Shirka ayaa  Shir Gudoominayey Agaasimaha Guud ee Wasaarada Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Mudane Max,ed Cadde Mukhtar, waxaana looga hadlayey Qodobo dhowr ah oo ay soo diyaarisey Wasaarada Shaqada iyo Arrimaha Bulshada .

Qodobadda wada hadalka shirka waxaa ka mid ahaa  sidan.

1-      Wax qabadka Wasaarahada

2-      Dhibaatoyinka Taagan

3-      Sida ugu haboon ee loo xalin karo

4-      Qorshaha Hormarinta Wadanka.

Wada hadalka Qodobadan oo aad Xasaasi u ahaa qaateyna Waqti dheer ka hadalkiisa ayaa waxaa lagu balamey in dib la isugu soo laabto sidii loo dhameystiri lahaa qodobada qaar oo ay u arkeen Agaasimayasha in uu Muhiim yahay wada shaqeynta Wasaaradaha Dalka .

shir Agaasimayaasha Guud 1 shir Agaasimayaasha Guud 2 shir Agaasimayaasha Guud 3 shir Agaasimayaasha Guud 4 shir Agaasimayaasha Guud 5