WASIIRKA WASAARADDA SHAQADA IYO ARRIMAHA BULSHADA OO KULAMO LA QAATAY NAAFADA SOOMAALIYEED(WARBIXIN)

Kulankan maanta uu xafiiskiisa kula qaatay   wasiirka Shaqada Iyo arrimaha Bushada  mudane Cabdiwali Sheekh Muudey Gudiga Naafadda Qaranka ayaa waxaa uu ahaa mid saacado dheer qaatay isla markaana looga hadlaayay xaaladda Naafadda Soomaaliya iyo Ansixinta Siyaasada Naafada Qaranka .

kulanka waxaa soo xaadiray oo goobjoog ka ahaa masuuliyiinka faro badan oo kala ah wasiirka  wasaaradda Mudane Cabdiwali Sheekh Ibraahim Muudey ,Wasiir ku xigeenka  Wasaaradda  shaqada iyo Arrimaha Bulshada Mudane Cusman Libaax Ibraahim iyo Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Mudane Axmed Cali Daahir, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada Mudane Maxamed Cadde Mukhtaar , Agaasimaha Waaxda Naafada Mudane Shariif Aadan Maxamed  iyo Guddi ka socday qeybaha kala gedisan ee Naafada Soomaaliyeed .

Cali Cabdulaahi Salaad oo ah gudoomiyaha gudiga Naafadda Qaranka oo kulanka ka hadlay ayaa ka mahadceliyay kulanka Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada uu la yeeshay gudiga Naafadda isagoo sidoo kale sheegay in dhibaato aad u daran ay haysato Naafadda waxuuna soo dhaweeyay dadaalka iyo Ansixinta golaha wasiiradda ee Siyaasada Naafadda.

 

kulanka ayaa ahaa mid dood furan oo ay ka hadleen in ka badan 10 qof oo Naafo ah ayagoo  soo bandhigay baahida ay qabaan iyo sida ay tahay in wax looga qaban karo horumarinta naafadda, waxay  mas’uuliyiinta wasaaradda  ka codsadeen in dib loogu soo celiyo xarumihii ay ku lahaayeen  gobolada dalka gaar ahaan caasimada Muqdisho.

waxayna sheegeen “Dowlada waa inay xaquuqda ilaalisa Wasaaradda waxaa laga rabaa inay shaqa qorista sinto naafada iyo dadka aan naafada ahayn” sidaana waxaa yiri mid ka mid ah Guddiga Naafada

wasiir Libaax  shir Naafo

Ugu horeen waxaa ka hadlay kulanka wasiir  ku xigeenka  wasaaradda shaqada iyo Arrimaha bulshada mudane Cusman Libaax Ibraahim waxuuna   kala hadleen ansaxinta  sharciga naafada qaranka  waxuuna  sheegen siyaasadda  la ansixiyay  inay kow  ka tahay hawlaha Wasaardda,

“waxaan idin ka rabnaa  midnimo  wixii kale ee xuquuq ah  ee  aad sheeganaysaan anaga ayaa idin raadinayno,  dhowr jeer ayaan idinka  daawanay meediyaha oo aad  la kulmaysaan  madaxda sare ee dowladda iyo qaar kale oo mashaariic gaar ah wata, hadaba aaway  Wasaaradii xuquuqdiina raadineysay, meelkasta oo aad shir u tagtaan idinkoon aad Wasaaradda ku tiirsaneyn  wixiina  waxba ma noqonayaan ee Wasaaradda haka cararina  ayaan idin leenahay.”

“sidaas ayaanna  u ansixin doonaa wax walba oo naafada  dan u ah  ee adinka   hanala dhinac marrina,  waxaa la soo maray xilli tusaalle ahaan   shan sano kahor sidaan majirin sanadba sanadka ka dambeeya waxaa la gaarayaa hormar, waxaana inoogu xigo  in aan xarunta ugu weyn ee naafadda dadka degan  ka saarno,  Waad ogtihin wadankaan xaaladda uu ku sugan yahay  talo wanaagsan ayaan idinka rabnaa iyo isla socod,  hadii la isla socdo waxaa la helayaa horumar dhanka  naafadda”. sidaana waxaa yiri Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Mr Libaax.

Ansax Naafo 2

Wasiir ka Wasaaradda C/wali Sheekh Muudey oo la hadlay guddiga Naafada ayaa yiri “ waa Alle mahadiisa haduu Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka uu  Goobjoog ku yahay kulankan maanta Waxaad ogaataan cid walba oo madax kasoo noqotey Wasaaradan  wax bey ka soo qabatey horumarinta Naafada Soomaaliyeed, waa mid masuul naga saaran oo aan  ku raali galineynaa Allah.

Allah na abuurtey oo idinka naafo idinka dhigey anaga Kaamil naga dhigey ayaa nagu leh waajibadka na saaran ee maahan mid idinka la idin qabanaya qofka naafada ah iyo mid ka kale Allah xagiisa wey ka siman yihiin wax badan ayaa hada ka hadasheen oo aan fahmi karno, wey jiraan dhibaatooyin  aan ognahay oo heysata dadka Naafadda ah, waxaan  ku faraxsanahay in Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Soomaliyeed uu dhagaysto xuquuqdiina  iyo waxa aad ka cabaneysaan, waxaana ka rajeynayaa in uu wax badan  gacan idinka siin karo .

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Soomaliyeed  Mudane Axmed Cali Daahir  ayaa si qoto dheer uga hadlay dhibaatada haysata Naafadda Soomaaliya isagoo yiri “waxaan aad ugu faraxsanahay maanta oo aan goobjoog u ahay arrin loga hadlaya wax u qabadka naafadda. Wuxuu nafada xaq u leeyahay hadii uu galo kalinta ugu dambeysa in hore laga dhigo .Waxaa hor mar lagu gaari karaa isku duubni , waxaad na ogaataan anaga waxaan mushaar ku qaadanaa dadka xuquuqdooda in aan usoo dhicino.

Difaacida dadka tabarta yar iyo aqoonta naafada ayaa muhiim ah , waxaan kusii faraxsanahay Siyaasadda  naafada oo la hor geeyey golaha Wasiirada ayna Ansixiyeen  waxaan kaloo idin sheegayaa dadka naafada ahi  in ay san ogolaalin  xaquuqdooda  iyo waajibaadkooda ay san ku xad gudbin NGO-da” sidaana waxaa yiri Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka .

Kulammada uu Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada uu la qaadanayey Dadka ugu nugul bulshada, ayeey u jeedadooda aheyd sidii Wasiirku u soo bandhigi lahaa dhibaatada dadkaa iyo sida ugu sahlan ee lagu caawin karo, maadaama uu madaxa ka yahay  Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Jamhuuriyadda Soomaaliya.

cadde  shir Naafo Naafo shir 1  wasiir Muudey Shir Naafo 1 wasiir Muudey Shir Naafo Xeer Illaaliye Shir Naafo. 1 jpg Xeer Illaaliye Shir Naafo Ansax Naafo 3