KHUDBADDA WASIIRKA EE MAALINTA CAALAMIGA AH KA HORTAGGA SHAQAALEYSIINTA CARUURTA, 12 JUNE 2021

Marka hore ALLAH ayaa mahad oo dhan iska leh. Marka xigta, waxaan u mahadcelinayaa Dhammaan ka soo qaybgalayaasha munaasabadan muhiimka ah oo ay ugu horreeyaan, Wasiirrada iyo mas’uuliyiinta kale ee hay’adaha Dawladda, waxaan sidoo kale u mahadcelinayaa Shaqaalaha Wasaaradda oo uu hormuudka u yahay Agaasimaha Guud oo ka soo shaqeeyey Xafladdan sida heerka sare ah loo soo agaasimay ee quruxda badan, taas oo aan ku xusuusanayno Maalinta Caalamiga ah ee Qaramada Midoobay ay u aqoonsatay ‘‘Maalinta ka Hortagga Shaqaalaysiinta Carruurta ee 12 Juun Sanad kasta’’.

Mudanayaal iyo Marwooyin, anigoo wakiil ka ah Dawladdda Federaalka Soomaaliyeed, kuna hadlaya magaca Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, waxaa sharaf weyn ii ah in aan ka soo qeybgalayaasha iyo shacabka Soomaaliyeed xasuusiyo, kuna baraarujiyo ‘‘Maalinta ka Hortagga Shaqaalaysiinta Carruurta ee 12 Juun’’ si loo shaqeeyaha gudaha dalka oo ay ku jiraan Hay’adaha Dawladda Soomaaliya, Shirkadaha gaarka loo leeyahay, Hay’adaha Caalamiga ah (International NGOs) iyo kuwa Gudaha (Local NGOs) iyo cid kasta oo looshaqeeya ah sidii ay uga foojignaan lahaayeen ka faa’iidaysiga Carruurta aan gaarin da’da shaqada ee lagu mamnuucay Xeerarka Shaqada Soomaaliya iyo Qawaaniinta Caalamiga ah ee Hortagga Shaqaalaysiinta Carruurta oo ay Soomaaliya ansixisay si ay qeyb uga noqdaan fulinta iyo ku dhaqanka Qawaaniintaas lagu ilaalinayo Carruurta.

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo mas’uul ka ah dajinta Xeerarka Shaqada iyo Shaqaalaha weynaha Soomaaliyeed oo maanka ku haysa shaqo la’aanta baahsan ee ka jirta guud ahaan dalka waxay ka digaysaa in shaqaale ahaan loo qorto carruurta da’doodo ka yar tahay 18 Sano.

Waxaan aad uga xumahay in Ururrada Xagjirka ah ee ka jira Soomaaliya magacay rabaanka ha lahaadaane ay si qaldan uga faa’iidaystaan carruurta Soomaaliyeed sida; Askareyn, maskax dhaqid si ay u fuliyaan falal guracan oo ay ku jirto ismiidamin, dilal qorshaysan, tuuris Bambo Gacmeed iyo ku xirista Baabuurta Miinooyinka qarxa maadaama carruurtu aysan caqliyan kala garan karin cawaaqibta ka dhalan karta falalka ay sameynayaan, waana taas sababta uu aduunku isugu raacay Shaqaalaysiinta iyo ka faa’iidaysiga Caruurta da’doodu ka yar tahay 18.

Guntii iyo gabagabadii; waxaan kula dar daarmayaa loo shaqeeye kasta in uu ixtiraamo Xeerarka Shaqada Soomaaliya iyo Xeerarka Caalamiga ah ee khuseeya Hortagga Shaqaalaysiinta Carruurta. Carruurtu waa mustaqbalkeena, mustaqbalka dadkeena iyo dalkeena Soomaaliya. Carruurteenu waxay mudan yihiin in aan barbaarino, dhawrno, waxbarno, u sameyno mustaqbal iyo rajo wanaagsan oo ifaysa illeen waa jiilka barrito iyo u-hareyaasha dadka iyo dalkan Soomaaliya.

Wabbillahi Tawfiiq,

Xil. Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif
Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Jumhuuriyadda Federaalak Soomaaliya