Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo xustay maalinta caalamiga ah ee ka hortagga Shaqaalaysiinta Carruurta

Muqdisho, 12, June 2021- Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xustay Maalinta Caalamiga ah ee Qaramada Midoobay ay u aqoonsatay ‘‘Maalinta ka Hortagga Shaqaalaysiinta Carruurta ee 12 Juun’’.

Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Wasiirro ka tirsan Xukuumadda, Xildhibaanno , saraakiil ka tirsan Hay’adaha Dawladda , ururrada Bulshada iyo mas’uuliyiin kale.

Wasiirka Caddaaladda , Mudane Cabdiqaadir Macamed Nuur, Wasiirka Gaadhandhigga, Xasan Xuseen Xaaji iyo Wasiirka Haweenka iyo xuquuqul Insaanka , Marwo Xaniifa Maxamed Ibraahim (Xaabsade) oo munaasabadda hadallo ka jeediyay ayaa si wadajir ah hoosta uga xariiqay inay dadaal galin doonaan ka hortagga shaqaaleysiinta carruurta iyo shuruucda dhawraysa.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada , Mudane Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif ayaa munaasabadda soo xiray, isagoo ka digay in shaqaale ahaan loo qorto carruurta da’doodo ka yar tahay 18 sanno.

“Waxaan kula dar daarmayaa loo shaqeeye kasta in uu ixtiraamo Xeerarka Shaqada Soomaaliya iyo Xeerarka Caalamiga ah ee khuseeya Hortagga Shaqaalaysiinta Carruurta.” ayuu yiri Wasiir Cabdiwahaab.

Maalinta ka Hortagga Shaqaalaysiinta Carruurta ee 12 Juun sannad kasta adduunka laga xuso , waa markii u horreysay ee ay qabanayso Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

—Dhammaad—