Golaha Wasiirrada oo ansixiyay Habraaca shaqo-siinta dibadda ee shaqaalaha xoogsatada Soomaaliyeed

Muqdisho, June, 17, 2021- Shirka Toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada oo uu guddoomiyay Ra’iisul Wasaare Rooble  ayaa si aqlabiyad leh loogu ansixiyay habraaca shaqo-siinta dibadda ee shaqaalaha xoogsatada Soomaaliyeed oo ay horgeysay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

Mudane Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif, wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya , ayaa golaha wasiirrada uga mahadceliyay ansixinta habraaca shaqo-siinta dibadda ee shaqaalaha xoogsatada Soomaaliyeed oo muhiim u ah in xoogsatada Soomaaliyeed loo fududeeyo fursadaha shaqo ee ka jira dalalka dibedda oo Soomaaliya ay la leedahay xiiriir wanaagsan ama ay kula jirto Heshiis shaqo siin si waafaqsa habraaca.

Habraaca, muhiimada kale ee u leeyahay waxaa ka mid ah; In la ilaaliyo xuquuqda, sharafta iyo qiyamka xoogsatada Soomaaliyeed oo ka shaqeeya dalka dibeddiisa. Habraaca Shaqo siinta Dibedda waxay kaloo ilaalinaysaa Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee hadda ka shaqeysta dibedda dalka.

Waxaa kalo ay fududeynaysaa  In Shirkadaha gaarka loo leeyahay ee ka shaqeeya shaqo siinta dibedda loo helo habraac haga iyo nidaam lagu siiyo Shatiyo sharci ku fadhiya si aysan ugu xadgudbin xuquuqda xoogsatada Soomaaliyeed ee dibedda ka shaqeyta ama kuwa hadda ka dib la geyndoono, iyo sidoo kale, in la ilaaliyo xuquuqda Shirkadaha Shatiga loo siiyo in ay ka shaqeyn karaan shaqo siin dibeddeed.

“Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada  waxay dadaal galisay  in la helo Habraaca Shaqo siin dibedeed si xoogsatada iyo xirfadlayda Soomaaliyeed oo heerkooda shaqo la’aantu gaaray meel aad u sareysa, haddana u badan dhalinyaro in ay helaan fursado shaqo siin dibedeed iyo in Dawladda Soomaaliyeed yeelato Siyaasad shaqo siin dibedeed oo ilaalinaysa xuquuqda Shaqaalaha iyo Shirkadaha gaarka loo leeyahay ee Shatiga u heysta bixinta shaqo siin dibedeed iyo in ay dhoofiyaan xirfadleyda Soomaaliyeed sababo shaqo siin dibedeed darteed.” ayuu yiri wasiir Cabdiwahaab Ugaas Xuseen.

–Dhammaad–