KALMADAHA FURITAANKA WASIIRKA SHAQADA IYO ARRIMAHA BULSHADA EE SHIR WEYNAHA QARAN EE SHAQAALEYSIINTA

MAS’UULIYIINTA DAWLADDA, URURRADA SHAQAALAHA, GANACSATADA, JAAMACADAHA IYO MACHADYADA, IYO DHAMMAAN KA SOO QAYBGALAYAASHA,
MUDANAYAAL IYO MARWOOYIN

Sharaf ayay ii tahay inaan furo Shirwaynaha Qaran ee Shaqaaleysiinta 2020. Waxaan si diirran dhammaantiin idiinku soo dhawaynayaa shirwaynahan saddexda maalmood soconaya.
Aad ayay runtii ii faraxgelinaysaa inaan arko kulankan heerka sare ah oo kale ee ay ku kulmayaan dawladda heerarkeeda kale duwan iyo daneeyeyaasha shaqo-abuurka dalka.. Tani waxay ka tarjumaysaa sida ay uga go’an tahay dhammaan qaybaha kale duwan ee dawladda, loo-shaqeeyeyaasha,shaqaalaha, iyo ururrada shaqaalahaba inay si wadajir ah sare ugu qaadayaan sidii fursado shaqo-abuur iyo shaqo-u-qalanta loogu heli lahaa shaqo-doonka Soomaaliyeed.

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada waa hay’adda dawladda Soomaaliyeed mas’uulka uga ah abuuritaanka nidaam keenaya shaqooyin badan, sare u qaadida bulsho wada socota, iyo nidaamyo lagu caawinayo bulshada nugul. Si ay haddaba u fuliso waajibaadkaas ayay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada samaysay Siyaasadda Qaran ee Shaqo-abuurka taasoo ay ansixiyeen Golaha Wasiirradu.Siyaasaddani waxay qayb ka tahay Qorshaha Qaran ee Horumarinta (NDP-9 2020-2024). Aragtida Dawladda Federaalka Soomaaliya waa sare u qaadida “Shaqo u qalanta iyo kobcinta shaqo-abuurka” si waafaqsan mabaadii’da Shaqada u qalanta iyo Yoolasha Horumarinta Joogtaysan (Decent Work and Employment Growth”in line with Decent Work principles and the Sustainable Development Goals (SDGs)).

Mudanayaal iyo Marwooyin,

U helitaanka shaqooyin u qalma dhammaan bulshada gaar ahaan dhallinyarada waa arrin ku culus dhammaan bulshooyinka caalamka. Shaqo la’aanta baahsan ee haysata dhallinyaradeena waa dhibaato wayn oo qaran. Arrintani waxay saamayn daran ku leedahay sidii loo yarayn lahaa saboolnimada, loona heli lahaa xasilooni iyo amni.

Haddaba sidii aan u maarayn lahayn wax ka qabashada caqabadahan ayaa ah waxa aan isugu nimid inaan ku falanqayno Shirwaynahan.

Sia an ugu helno fursado shaqo dhallinyaradeena waxaa muhiim ah inaan maalgelino waxbarashada iyo tababarrada si tayadooda sare loogu qaado; inaan dhallinyaradeena barno xirfado ku haboon suuqa shaqada Soomaaliya, isla markaana loo sahlayo jawiga ay ku heli lahaayeen shaqada, iyadoo aanan loo eegayn jinsigooda, qabiilkooda iyo xaaladdooda bulsho.
Si shaqo-abuurka sare loogu qaado, waxaa Dawladda Soomaaliyeed ka go’an inay xoojiso ganacsiyada gaarka ah, sarena u qaado kobcinta ganacsiyada yaryar, iyo kuwa dhexeba si loo helo sare u kac dhaqaale kaasoo keenaya shaqo-abuur badan.

Waxaan haddaba ka codsanayaa ka soo qaybgalayaasha shirwaynahan inay diiradda saaraan sidii wax looga qaban lahaa caqabadaha aan soo sheegay, aadna soo saartaan xalal macquul ah oo xilligan lagu hawlgeli karo kuna saabsan sidii wax looga qaban lahaa shaqo la’aanta baahsan ee dalkeenna ka jirta.

Waxaan diyaar u nahay dawlad ahaan inay wada-shaqayn dhexmarto dhammaan qaybaha ay qusayso abuuritaanka fursadaha shaqo si loo yareeyo saboolnimada, sarena loogu qaado xasiloonnida iyo amniga qaranka.

Aad ayaad u mahadsan tihiin.

–Dhammaad—