BAAQA SHIR-WEYNAHA 1AAD EE SHAQAALEYSIINTA QARAN

6-7 DECEMBER 2020 | MUQDISHO, SOOMAALIYA

Waxaa isugu yimid Shir-weynaha qaranka ee Shaqo-siinta wakiillo ka kala socda Dawladda Federaalka Soomaaliya, Dawladaha Xubnaha ka ah Federaalka, Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed (SCCI), Xiriirka Ururrada Shaqaalaha Soomaaliyeed (FESTU), hay’adaha ganacsiga gaarka loo leeyahay, Ururrada Waxbarshada iyo kuwa aan dowliga ahayn si wax looga qabto caqabadaha shaqo la’aanta ee soo food saaray Dalka.

Intii lagu guda jiray shirkan oo socday 6 ilaa 7 bisha December 2020, Ka qeybgalayaashu waxay si saaraxad leh isu weydaarsadeen dooddo xamaasad leh oo ku dheehantahay iskaashi iyo is- afgarad si wax looga qabto dhibaatada ina wada saameysay oo ah wax ka qabashada shaqo la’aanta.

Shaqo la’aanta ka jirta Soomaaliya ayaa ah mid aad iyo aad uga sarreysa waddamada kale ee adduunka, taasoo keentay saboolnimo baahsan, iyo sinnaan la’aan. Sidaas daraadeed waa lagama maarmaan in aan si deg deg ah u qaadano jid cusub oo ah kobcinta horumarka si aan dhaqaalaheenna ugu bedelno mid ku saleysan warshadeyn xoog leh oo ay ka shaqeeyaan xoogsato Soomaali ah oo buuxisa baahiyaha aasaasiga ah ee Dadkeenna.

Ka qeybgalayaasha Shirka Shaqo Qaran waxay isku raaceen:

1.In Soomaaliya ay wali wajaheyso caqabado xagga hormarinta oo ay ka mid yihiin saboolnimo baahsan, cunno yari, aqoon la’aan, shaqo la’aan iyo caafimaad darro , iyadoo dhibaatadan uu uga sii dareen cudurka faafa ee COVID-19 iyo helitaanka adeegyada aasaasiga ah oo maqan.

2.Iyadoo maanka laga hayo in heerka fakhriga iyo sinnaan la’aanta ka jirta Soomaaliya ay tahay mid aan la aqbali karin loona baahan yahay hindisayaal cusub si kor loogu qaado tayada nolosha iyo fursadaha shaqo ee hufan, Ka qeybgalayaashu waxay isku raaceen in shaqo la’aanta jirta ay tahay dhibaato sii xoogeysaneysa oo ka jirta Soomaaliya oo u baahan waxqabad deg deg ah.

3.In dhibaatada shaqo la’aantu ee jirta ay qasab ka dhigeyso daneeyayaasha suuqa shaqada ineysan diirada saarin oo keliya abuurista shaqooyin cusub laakiin ay muhiim tahay in wax laga qabto shaqooyinka burburaya.

4.Haddaba waxaan ku heshiinay in wax walba oo macquul ah la sameeyo si looga fogaado luminta fursadaha shaqooyinka ee hay’adaha gaarka loo leeyahay. Si loo gaaro hadafkaas waxaa loo baahan yahay ku dhiirrasho, xilkasnimo, hal-abuurnimo, iskaashi.

5.In hannaanka dhaqaalaha Soomaaliya lagu sameeyo isbeddel si loo daboolo baahida Dadkeena oo dhan maadaama koritaanka dhaqaalaha kaligiis uusan ku filneyn xallinta dhibaatada shaqo la’aanta. Waxaan u baahanahay inaan ballaarino awoodda dhaqaalaheena si joogto ah maadama dalka Soomaaliya uu u baahan yahay kobac dhaqaale oo dhisan xoogsato iyo shaqaale.

6.In laga shaqeeyo sidii loo heli lahaa waddan udub-dhexaad u ah maalgashiga isla markaana dhiirrigeliya in si caddaalad ah loola dhaqmo shaqaalaha iyada oo la hubinayo u hoggaansanaanta sharciga qaranka iyo kan caalamiga ah. Sidaas darteed waxaan ku heshiinay inaan si wadajir ah u taageerno xaqiijinta in la helo shaqo hufan iyada oo loo marayo ansaxinta iyo hirgelinta Barnaamijka abuurista shaqada sharaf leh ee Dalka.

7.Hirgelinta Madal Daneeyayaasha Qaran ee Shaqa Abuurka oo ay ku jiraan loo shaqeeyaha, Hay’adaha Waxbarashada iyo Saaxiibbada Caalamig ah si sare loogu qaado waxtarka iyo u midoobidda abuuritaanka fursado shaqo oo u qalma Dadka Soomaaliyeed.

8.Waxaa dhammaanteen looga baahan yahay in la hubiyo xaaladaha kala guurka, taas oo hubinaysa in dadka shaqeeya, kuwa shaqo la’aanta ah iyo kuwa saboolka ahi aysan ku dambayn inay qaadaan culeyska ka dhasha isbedelka cimilada. Shirku wuxuu go’aaminayaa in xaaladda kala-guurka ay mudnaan leedahay, isla markaana loo baahan yahay jawaab-celin si wanaagsan la isugu dubbaridey oo ka timaada dhammaan Dawladdaha (heer Federaal iyo heer Gobol) iyo Bulshada rayidka ah oo wadajira.

9.In si wadajir ah looga shaqeeyo si looga dhabeeyo ballanqaadyada ah iyo waxqabadka lagu taageerayo dadka shaqeyn kara looguna abuuro xirfad ama mihnad ay ku shaqeysan karaan sida barnaamijyada TVET si ay kor ugu qaadaan tayada noloshooda, loo hagaajiyo fursadaha shaqo helista loona joogteeyo shaqadooda.

10.Si loo caawiyo Dhallinyarada Soomaaliyeed Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshadu waxay Dhiseysaa Xarun Cusub oo Hal abuurka shaqada ah taa oo adeegyo wax-tar leh siineysa Dhallinyarada Soomaaliyeed ,sida is waafajinta xirfadaha iyo tababarka shaqada.

–DHAMMAAD–