WADA TASHIGA BARNAAMIJKA SHAQO HUFNAANTA SHAQAALAHA OO LAGU SOO GABAGABEEYAY MAGAALADDA MUQDISHO

Barnaamijka shaqo hufnaanta oo caalamka  looga  yaqaan (Decent work programmer) ayaa laga tashanayay sidii loga hergelin lahaa ama uu taabagal uga noqon lahaa dalka Soomaaliya,  muddo saddex maalmood ah ayuu uga socday mas’uuliyiin ka socotay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, hay’adda ILO, ururada shaqaalaha, ururka Ganacsatada iyo madax ka socotay dowlada goboleeyada dalka Soomaaliya.

 dwp-consultent-meeting-for-somalia-7

Barnaamijkan shaqada hufan (DWP) ayaa ku saleysan  kaabayaasha lagu tayeynayo isku tagga seddex geesoodka (tripartite) kala ah  wasaaradda shaqada, loo shaqeeyaha iyo Ururka shaqaalaha  sidii ay uga faa’iideysan lahaayeen horumarinta shaqaalaha iyo shaqo u Abuurka da’yarta Soomaaliyeed.

ILOda oo kaashanaysa dawladda Soomaaliya gaar ahaan  wasaaradda Shaqada iyo arrimaha Bulshada ayey u suura gashay  in  la-hawlgaliyo Barnaamijkan shaqada hufan (DWP), oo ay  fududeeye ka ahaaneen qubaro soomaaliyeed iyo ajaanib ka socotay xafiiska ILO.

Maalmaha uu socday kulanka waxaa diirada lagu saara qodobo dhowr ah sida aqabadaha heysta maamulka shaqada iyo Shaqaalaha iyo waafajinta Qorshaha Qaran (NDP) 2017-2019 ee barnaamijka shaqo hufnaanta Soomaaliyeed.

Waxaa ka hadlay Agaasimaha ILO Somalia mudane Ilyas Direi waxuuna sheegay “  aad iyo aad ayaan ugu faraxsanay in aan guda galno anaga oo u mideysan  fulinta Barnaamijkan shaqada hufan (DWP) taabo galkiisa, waxaan soo dhaweeynayaa in la adkeeyo  wada shaqeynta seddex geesoodka (tripartite) uu mashruuca  kaga fuli karo dalka Soomaaliya” sidaana waxaa yiri Agaasimaha ILO Somalia.

Ugu dambeyntii kulanka wada tashiga barnaamijka shaqo hufnaanta waxaa soo  gabagabeeyay  Xoghayaha Joogtada Wasaaradda Shaqada Mudane Xassan Shariif Cusman waxuuna yiri  “ ujeedka aan iskugu  imaanay kulankan  waa in dadka iyo dalka soomaaliyeed  wax loo qabto, ugana faa’ideystaan fursadaha ay inoo hayaa hey’adaha caalamka gaar ahaan ILO oo ay inaga dhexeyso wada shaqeyn, Barnaamijkan shaqada hufan (DWP) waa in aan ka wada shaqeynaa si horumar loo gaarsiiyo dadka ay daashatay shaqo la’aanta ee ku sugan Soomaaliya”.

[youtube id=”6y6BVfUztzo” width=”600″ height=”350″]

dwp-consultent-meeting-for-somalia-4dwp-consultent-meeting-for-somalia-0 dwp-consultent-meeting-for-somalia-01 dwp-consultent-meeting-for-somalia-1 dwp-consultent-meeting-for-somalia-2 dwp-consultent-meeting-for-somalia-3  dwp-consultent-meeting-for-somalia-5 dwp-consultent-meeting-for-somalia-6  dwp-consultent-meeting-for-somalia-8 dwp-consultent-meeting-for-somalia-9 dwp-consultent-meeting-for-somalia-10 dwp-consultent-meeting-for-somalia-16dwp-consultent-meeting-for-somalia-11 dwp-consultent-meeting-for-somalia-12 dwp-consultent-meeting-for-somalia-13 dwp-consultent-meeting-for-somalia-15

Kulanka ayaa ku soo dhammaaday jawi farxadeed iyo balamo wada shaqeyn dhexmartay dhamman ka soo qeybgalayaasha Barnaamijka shaqada hufan (DWP)