Furitaan Tababar qeyb ka ah Mashruuca  Shaqo-siinta Dhalinyarada oo ay ka qeyb galeen  masuuliyiinta wasaaradda  shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

  Mashruuca Shaqo-abuurka ayaa kamid ah mashaariicda looga faa’ideynayo dhallinyarada si ay u helaan shaqo, waxaana maanta maamulka gobolka Banaadir uu u furay 180 dhallinyaro oo ka kala timid 6 degmo oo kamid ah gobolka Banaadir kaasoo ay ku baran doonaan xirfado kala gadisan sida Dhismaha, Adeegga iyo La wadaagga macluumaadka. Iyadoo la doonayo inuu mashruuca ahaado mid joogta ah oo ay ka faa’ideystaan guud ahaan dhallinyarada Soomaaliyeed.

Furitaankan xafladda ayaa waxaaa kasoo qeybgalay wasiirro iyo agaasimayaal iyo maamulka gobolka banaadir sida; Wasiirka Waxbarashada iyo Howlaha Guud ee Federaalka, Xogahayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada iyo La Taliyeyaasha mashruucan ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

Ugu horreyn waxaa madasha ka hadlay siduu ugu soo dhoweeyo masuuliyiinta lagu casuumay xafladda guddoomiyaha dhallinyaradda gobolka banaadir Cabdikaafi Makaraan asagoo ku faraxsan isukeenidda dhallinyaradan oo laga soo xulay 6 degmo oo laga keenay min 30 dhallinyaro taasoo sharaxaad ka bixiyay ahmiyadda uu leeyahay mashruucan si ay dhallinyarada ugu faa’ideystaan.

Mashruucan u furmay dhallinyarada ayaa waxaa si gaar ah u maalgalisay hay’adda    (UN HABITAT), waxaana wakiil uga ahaa Mudane Cali Salaad waxuuna sharraxaad ka bixiyay ujeedka ay ka leedahay Hay’adda asagoo sheegay in si tijaabo ah sanadkii hore 115 dhallinyaro ugu qabteen mashruucan shaqo-abuurka gobolka banaadir taasoo maanta mareysa inuu sare kac sameeyay mashruuca.

Gudoomiye ku xigeenka ee arrimaha bulshada ee gobolka banadir ayaa u mahad celiyay dhammaa kasoo qeybgalayaasha gaar ahaan wasiirada wasaaradaha Waxbarashada iyo Howlaha guud iyo masuuliyiinta kala gadisan ee aqbashay inay soo xaadiraan munaasabaddan lagu daah furayo tababarkan  qeybta  ka ah mashruuca shaqo-abuurka, waxuuna yiri: “Maamulka Gobolka Banaadir waxuu aad usoo dhoweynayaa howlaha lagu horumarinayo dhallinyarada Soomaaliyeed, mashruucan waxuu kamid yahay mashaariicda ay ku howlan tahay maamulka gobolka baandir, dhallinyaradana waxaan kula dardaarmi lahaa inay noqdaan kuwii ka faa’ideytstaan waxbarashadoodana ay noqoto mid ku saleysan asluub wanaagsan iyo kuwa ka faa’ideystay in uu socdo mashruucan.

Xogahayaha joogtada ah ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Mudane Xasan Shariif Cusman oo ku hadlayay magaca wasaardda Shaqada ayaa yiri: “Dhammaan dhallinyarada nasiibka u yeelatay tababarkan Shaqo-abuurka kamidka ah waxaan kula dardaarmayaa inay ka faa’ideystaan fursaddan, wasaaradda Shaqadana waxey idiin ballan qaadeysaa inay la socon doonaan habsami u socodka Tababarkan iyo guulaha aad gaartaan had iyo jeerba adinkoo mustaqbalkana ku shaqeysan doono waxaad maanta barataan”.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Hidaha Tacliinta Sare Dr Cabdulqaadir Cabdi Xaashi ayaa kula taliyay dhammaan dhallinyaradda inaysan ka faanin shaqooyinka xirfadaha ee gacanta laga qabto, kuna tusaaleeyay adduunka oo idil in horumarka dadka gaarsiiyay ay yihiin dadka yaqaana xirfada gacanta, mashruucan shaqo-abuurka waxaa ku baxa lacag fara badan oo lagusoo qaaday magaca dowladda soomaaliyeed, sidaa awgeed waxaan idiin ku adkeynayaa inaad ka faa’ideystaan fursaddan qaaliga ah, waxuuna sidoo kale kula taliyay gabdhaha Soomaaliyeed inay guursadaan wiilka  garanaya xirafadaha gacan ka shaqeynta.

Ugu dambeynti tababarka waxaa si rasmi ah u furay Wasiirka Howlaha guud iyo Guryeynta Injineer Saalax waxuuna amaanay dhammaan qabanqaabiyeyaasha soo agaasimay xafladdan “dhalinyarada waxaa looga baahanyahay in ay ka qeybqataan dib u dhiska dalka casharada aad ka qaadateen tababarkaan uu sare u qaadi doona in ay  xirfadaha li idiin tababaray”

Tababarkaan ayaa loo qabtay 180 dhalinyaro  taas oo sare loogu  qaadaayey xirfadahooda si ay u helaan shaqooyin.  halku dhigga mashruuca ayaa ahaa  SHAQEYSO!.

yes-for-molsa-0 yes-for-molsa-1yes-for-molsa-12 yes-for-molsa-2 ??????????????????????????????? yes-for-molsa-4 yes-for-molsa-5 yes-for-molsa-6 yes-for-molsa-7 yes-for-molsa-8 yes-for-molsa-9 yes-for-molsa-10 yes-for-molsa-11